Akhriso Daraasad lagu Shaaciyay Heerka Naxdinta Leh Ee Maamulka Xukuumada Madaxweyne Siilaanyo Ka Marayo Musuqmaasuqa Iyo Laaluushku

Akhriso Daraasad lagu Shaaciyay Heerka Naxdinta Leh Ee Maamulka Xukuumada Madaxweyne Siilaanyo Ka Marayo Musuqmaasuqa Iyo Laaluushku

Komishanka Maamul-wanaagga iyo La-daagallanka Musuqmaasuqa oo soo bandhigay dareenka dadweynahuhu ka qabaan musuqa iyo laaluushka ragaadiyey xafiisyada dawladda

Sida xafiisyada dawladdu ugu kala xun yihiin isticmaalka musuqa iyo laaluushka + goobaha kaalmaha ugu horreeya ka galay daraasaddan

 

Jan 27, 2014 Hargeysa (SM)- Komishanka heer qaran Maamul-wanaagga iyo La-dagaallanka Musuqmaasuqa Somaliland, ayaa soo bandhigay daraasad naxdin leh oo lagu muujiyey heerka musuqmaasuqa iyo laaluushku ka marayo xafiisyada dawladda.Kulan Komishanka Maamul-wanaagga iyo La-dagaallanka Musuqmaasuqu hudheelka Maansoor ee magaalada Hargeysa ku qabtay Sabtidii toddobaadkan ee taariikhdu ahayd 18 January 2014, ayaa lagu soo bandhigay daraasad lagu iftiimiyey ra’yiga dadweynuhu ka qabaan qaybo ka mid ah waajibaadka shaqo ee dawladda Somaliland, gaar ahaan musuqmaasuqa iyo laaluushka ay biishadaan masuuliyiinta iyo shaqaalaha jooga xafiisyada, iyadoo daraasaddu shaaciyey xafiisyada dawladda ee ugu musuqa iyo laaluushka badan, marka la eego xafiisyda dawladda, sida saldhigyada booliska, maxkamadaha, dawladaha hoose, ciidammada nabadgelyada waddooyinka iyo wakaaladaha biyaha.   L-R-GGACC-Adm-officer-Director-of-Good-Governance-Fozi-DG-Hasan-O-Horri-and-Research-consultant-Ahmedyassin-S-Muhumed-

Daraasaddan oo ah tii u horreysay nooceeda ee laga sameeyo Somaliland, hay’adda UNDP ayaa diyaarinteeda ka caawisay Komishanka Maamul-wanaagga iyo La-dagaallanka Musuqmaasuqa, isla markaana nuqul ka mid ah Daraasaddan wargeyska Hubaal helay, waxa kulankii lagu soo bandhigay ay goob-joog ka ahaayeen masuuliyiin ka socday wasaarradaha Maaliyadda, Caddaaladda, Arrimaha Gudaha, Warfaafinta, xildhibaanno Baarlamaanka (Guurtida iyo Wakiillada), taliska booliska iyo Komishanka Dib-u-habaynta Shuruucda.

Daraasaddan oo lagu xog-warraystay dad kala duwan oo gaadhaya 793 qof oo da’doodu ka sarrayso 18 jir, kuna kala dhaqan shanta gobol ee Maroodi-jeex, Awdal, Saaxil, Togdheer iyo Sanaag, kuwaas 50.7% haween yihiin, halka 49.3% rag yihiin, dadkaas 63.7% yihiin bilaa camal ah, halka 23.7% shaqeeyaan, laakiin 12.6% shaqooyin rasmi ah hayaan.

Sida lagu muujiyey daraasadda, dadka xog-warranka lala yeeshay oo la weydiiyey caqabadaha horyaal horumarka, waxa ay 85.5% rumaysan yihiin in shaqo la’aantu caqabad ku tahay horumarka, halka 42.5% ku doodeen in musuqmaasuqu sabab u yahay, iyadoo 38.3% rumaysan yihiin in faqiirnimadu tahay caqabad.GGACC-Director-Genral-Hasan-Omar-Horri-opening-the-corruption-perception-dissemination-workshop

Waxa kale oo dadka la waraystay la weydiiyey sida ay u akaan xaaladda guud ee siyaasadda Somaliland, waxaanay 77.9% rumaysan yihiin in xaaladda siyaasadeed dalku fiican tahay, aadna u xiisaynayaan, halka ay jiraan dad sheegay in aanay kaba warqabin xaaladda dalka amma aanay xiiso gaar ah u ahayn. 49% dadka cilmi-baadhista ka qaybgalay waxay sheegeen in tayada nolosha bulshada Somaliland aad uga fiican tahay sidii ay ahayd sannad ka hor, halka 50.0% rumaysan yihiin in xaaladda nololeed ee dadweynuhu aanay waxba dhaamin sannadkii hore amma kaba sii liidato, iyagoo 82.7% dadka la waraystay rajo fiican ka muujiyey in xaaladda nololeed ee dadku kor u kici karto sannadka soo socda.

Sidoo kale, waxa daraasadda Komishanka Maamul-wanaaga iyo La-dagaalanka Musuqmaasuq soo bandhigay lagu sheegay in badanka dadka la waraystay aaminsan yihiin in aanay xukuumaddu wax la taaban karo oo horumar ah ka samayn adeegyada horumarka, isla markaana ku guuldarraysatay inay wax ka qabato faqiirnimada, musuqmaasuqa iyo horumarinta waxbarashadda.

Sida daraasaddu xustay ka qaybgalayaasha oo la weydiiyey kalsoonida ay ku qabaan in xukuumaddu wax ka qabato amma xlaliso dhibaatooyinka dalka ka taagan, waxay 50% rumaysan yihiin in dawladdu awood u leedahay wax-ka-qabashada dhibaatooyinka kala duwan ee waddanka ka taagan, gaar ahaan musuqmaasuqa, faqiirnimada iyo shaqo la’aanta, halka 30.8% aanay si xooggan u aaminsanayn awoodda xukuumadda, iyagoo 16.7% aanay wax rajo ah ka qabin in xukuumaddu leedahay awood ay ku xalliso dhibaatooyinka bulsho.

Dhinaca musuqmaasuqa waxa tiradoodu gaadhayso ilaa 76.6% qof oo daraasadda ka qaybgalay ay rumaysan yihiin in musuqmaasuqu ku baahay waddanka oo dhan, wax caam ahna ka yahay hay’adaha dawladda ee bulshada loogu adeego, halka 23.4% qabaan fikrad ah in aannu musuqmaasuq ka jirin xafiisyada dawladda, iyadoo dadweyne aad u badan aaminsan yihiin in laaluush ka jiro xafiisyada dawladda, gaar ahaanna aad u biyo-dhigay saldhigyada booliska, maxkamadaha iyo ciidanka nabadgelyada waddooyinka.

Tiro aad u badan oo dhan 47.6%, kana mid ah dadka adeegyada sannadkii hore u doontay saldhigyada booliska, ayaa daraasaddu sheegtay in laaluush la weydiiyey, halka waaxda garsoorka amma maxkamaduhu kaalinta labaad ka galeen goobaha lagu bixiyo adeegyada dadweynaha ee laaluushku fadhiyo, iyagoo 65.7% dadka maxkamadaha tagay sheegeen in laaluush la weydiiyo marka hawlaha ay u baahan yihiin loo qabanayo.

Dadka xarumaha ciidammada taraafiga booqday amma hawlo kaga xidhmeen, ayaa sida daraasaddu shaacisay sheegeen 49.1% in laaluush la weydiiyo. Waxa ku xiga meelaha laaluushku dishooday xafiiska diwaangelinta dawladaha hoose oo 40.6% dadku caddeeyeen in laaluush lagu weydiiyo, iyadoo 38.8% soo bandhigeen in laaluush lagaga qaato adeegyada dawladaha hoose. Sidoo kale, 35.3% dadka la waraystay waxay aaminsan yihiin in laaluush ka jiro xafiisyada kastamada, halka 23.9% sheegeen in laaluush lagu weydiiyo goobaha caafimaadka dawladda, waxayna 15.3% tilmaameen in wakaaladaha biyuhu yihiin xafiisyada dadka laaluush lagaga qaado.

Ugu dambayn, waxa daraasadda lagu soo bandhigay in 242 qof oo ka mid ah dadka la waraystay ay sheegeen inay goob-joog u ahaayeen musuqmaasuq ka dhacay xafiisyada dawladda, kuwaasoo 79.7% ka mid ah tibaaxeen in aanay cidna uga dacwoon amma u sheegeen musuqmaasuqa ay arkayeen. 37.1% ka mid ah dadkaas oo ka aamusay jawaabta su’aashaas, ayaa aamusnaantooda u daliishaday in aanay aqoon goob looga dacwoodo cidda musuqmaasuqa ku kaca, halka 31.7% rumaysan yihiin in xataa haddii ay masuuliyiinta musuqmaasuqa sameeyey sheegaan aanay jirin cid wax ka qabanaysa amma aan wax dacwad ah lagu qaadi Karin.

 

Salaanmedia/Hargeysa

 

DARAASAD LAGU SHAACIYEY HEERKA NAXDINTA LEH EE MAAMULKA XUKUUMADDA MADAXWEYNE SIILAANYO KA MARAYO MUSUQMAASUQA IYO LAALUUSHKU