Al Shabaab oo beenisay in Ciidanka Puntland ay ka saareen Buuraleyda Galgala, ayna iyagu ku sugan yihiin

Ururka Al Shabaab ee ka dagaalama Buuraleyda Galgala ee duleedka Magaalada Boosaaso ee Gobolka Bari, ayaa si weyn u beeniyay in dagaalkii Sabtidii ay ku qaadeen Ciidanka Puntland, looga guuleystay.

Sheekh C/qaadir Muumin oo ka mid ah Saraakiisha Ururka Al Shabaab ee hogaamineysa dagaal-yahanada Shabaab, ee ka dagaalamaaya Buuraha Galgala, ayaa sheegay in ay iyagu jab ballaaran gaarsiiyeen dhowr nooc, oo ay isku soo baheysteen Ciidanka Puntland.

Sheekh C/qaadir Muumin oo la hadlay Idaacada afka Shabaabka ku hadasha ee Andulus, ayaa sheegay in ay soo weerareen Ciidamada Daraawiishta, PS-ta, Saracen iyo Ciidanka gaarka ee Madaxtooyada, oo uu xusay in ay ka wada amar qaataan Wakiilka Qaramada Midoobe ee Somaliya Amb. Nicholas Kay.

Sidoo kale wuxuu sheegay in ay ka war qabeen weerarkii ay ku soo ahaayeen Ciidamada Puntland, isla-markaana ay ku suggayeen meeshii ugu wanaagsaneyd, oo ay khasaaro ugu geysan lahaayeen, sida uu yiri.

Sheekh C/qaadir Muumin, ayaa ku faanay in jab weyn ay gaarsiiyeen Ciidamada Puntland, halka tiro ka mid ah gaadiidkii ay wateen, uu sheegay in ay kaga gubeen weerarka.

Sarkaalkaan ka tirsan Ururka Al Shabaab, ayaa sheegay in Ciidanka Puntland ay isaga carareen Deegaanka Galgala, kadib markii uu sheegay in ay khasaaro lixaad leh gaarsiiyeen.

Weerarkaan, ayaa wuxuu Ina Muumin uu ku macneeyay midkii 2-aad ee ugu weynaa, tan iyo weerarkii xooganaa ee sanadkii 2010-kii, ay ku soo qaadeen Ciidamada Puntland.

Salaanmedia/Mogdisho