ALAYE INAMADII QALQAALIGA AHAA FARTAY DHEXDA KA QANIINEEN BY FAISAL FARAFIDIYE

Inline image 1

Waxaan salaamayaa dhamaan shacabwaynaha reer Somaliland debed iyo gudeba, waxaanaan ku salaamayaa salaanta ISLAMKA EE ASALAMU CALAYKUM.

Waxaan salaantaa mid la mid ah u dirayaa Bahwaynta reer waddani, waxaan si heer sare ah u soo dhawaynayaa xubnaha cusub ee reer Togdheer ee dhawaan ku soo biiray XISBIGA MUCAARIDKA AH EE WADDANI waxaanaan leeyahay soo dhawaada.
Waxaan hambalyo iyo bogaadin u dirayaa xubnaha xalaasha ah ee golaha wakiilada Somaliland ee tiradoodu ka bilaabantay 8 da xubnood ee maanta maraya 48 ka xubnood, aniga oo ku hambalyanaya sida ay u saxeen khaladkii xeer hoosadka golaha ee khaldamay 2005 kii oo ay ka midka ahayd saddexda nin ee la isa sudhay [ Guddomyaha iyo labadiisa ku xigeen] oo loo bixiyaay shir gudoonka  oo ahayd halka dalku ka dhaqaaqi waayay.
 
Guddoomiye Cabdiraxmaana waxaynu la afgaranwaynay wuxuu ahaa nin laba mas qoorta kaga dubantahay  oo marka uu is yidhaahdo midigta u jaleec ka midigta ka fadhiya baa ku saydhayay, marka uu bidixda galeecona ka bidixda ka fadhiya ba ku saydhayay taas oo taladiisu noqotay inuu xagga hore eego tan iyo intuu iska furfurayo labada mas ee qoorta kaga duuban, waa ilaahay mahadi iyo xildhibaanada xalaasha ah kol haddii maanta uu iska fur furay labadii mas ee ku dubnaa maanta inoo kow ah waxqabadkii aynu mudada dheer ka sugaynay goleheena barlamaanka oo intiisa badani diyaar u tahay waxqabad canaasir yar oo Madaxtooyadii  oo odaygii ka maqanyahay ku wareegaya  iyo guddoomiyihii Maxkamada sare oo xaalkisu ku soo ururay INANTAA MEHERKEEDA MAR WIXII IGA GAADHAY DIB LA II SOO MARIN MAAYO EE ADEER MEELAHA ISKA EEGTA.
 
Inamada qalqaaliga ah ee  beryan danbe shirar doceedka LONDON ka wada ee leh Guddoomiye Cabdiraxmaan talaabo ha laga qaado, waxaan leeyahay hora abwaan u yidhi WADHAF IYO SHIMBIRO WAR ISUMA HAYAAN  ee ha ku gubanina mashruucaas ee ka waantooba dalkuna marxalad aan loo baahnayn ha geelinina.
 
Waxaan idinku darayaa beryahan danbe Guddoomiye Cabdraxmaan oo aan heesaha Somaaliga ah aad u dhegaysan jirin gaadhisa waxaa had iyo goor ka baxaysa heesta  waddaniga ahayd ee KANI GALBAY KU KALE MOOYEE  WAA GUULALEE.
 
Waxaan warbaahinta ku arkayay qolooyin ka hadlaya labada xil ee uu Guddoomiye Cabdiraxmaan isku hayo,
Waxaa jirtay nin isaga oo saajin ah dalacay oo xadhigle noqday ba nin aan ka warqabini ku yidhi waarya saajin hebel markaasu ugu jawaabay oo uu ku yidhi  KA SAREEYE, KA SAREEYE, KA SAREEYE.
Waxaan qolooyinka labada xil ka hadlaya leeyahay KA SAREEYE, KA SAREEYE, KA SAREEYE, taas oo ah haddi shalay la odhan jiray shir guddoonka barlamaanka labada guddoomiye ku xigeenna hareeraha ka fadhisan jireen shirkana la guddoomin jireen, maanta Cabdiraxmaan ba ah Guddoomiyaha barlamaanka isagana keligii shirka guddoomiye ka ah kursiga ugu sareeyana ku fadhiye.
Haddii uu shalay ahaa Guddoomiyaha Xisbiga Waddani, waxaannu ugu daraynaa jagada ah Musharaxa Madaxwaynaha ee Xisbiga waddan oo ah jago sadexaad ee ha sugi waayina.
Waxaan ku soo gebo begaynayaa haddii aanu nahay dhamaan Bahwaynta reer Waddani ee dalka gudihiisa iyo debadiisaba ku nool waxaa si 100% u taageersanahay guddoomiyaha golaha wakiilada iyo goaanadda sharciyada iyo aqlibayda barlamaanka haysata ee maalmihii ugu danbeeyay ka soo baxay kalfadhiyada golaha sharci dejinta dalka ee ah heyada dalka Somaliland ugu saraysa.
 
ALLA MAHAD LEH
 
FAISAL FARAFIDIYE
GOLAHA FULINTA
EE XISBIGA WADDANI