ALLOW NOO SAHAL SOMALILAND OO KU SOCOTA HALKII KONFURTA SUUDAN

QORMADA QURBE-JOOGA

maqaal

ALLOW NOO SAHAL SOMALILAND OO KU SOCOTA HALKII KONFURTA SUUDAN

Beri baa Islaani  iyadoo ciil hayo oo ka xanaaqsan  odaygeeda oo gar laga helay tidhi:

Awalba waan qarinayee, doqon miyaa la qoray. Waxaan uga socdaa taa  sida ay dad badan  ila qabay in aanay reer Somaliland gobannimada hanan karin  sidii ay lixdankiiba calankoodii siisowga u saran. Waxa se dadka  in yar oo aan badnayni ku rajo weynaayeen inay dadka iyo dawladda ba  waayo- aragnimo ugu filayd xasuusii hore loogu geystay iyo kumaankumkii naftooda u  hurany si inta hadhaa cisi iyo sharaf ku noolaato.

Waxa hadaba nasiib darro ah, in maanta oo laba iyo labaatan sano ka soo wareegtay goosashadii gooni istaaga Somaliland, lana gaadhay meel aan dawlado badan oo la ictiraafsan yahay gaadhayn inuu dhasho qalaanqal, mudaaharaado, musuq-maasuq, qabayaal, iyo qofka muwaadinka ah oo waaya xuquuq ul insaanka inta ugu leedatay oo ah xoriyatul- qowl . Taas oo ah ayaan daro iyo guul-daro innaga gondaheenna ka dhalatay,bal se aanay ahayn culays iyo qababaddo dibedda inooga yimid.   

Hadaba siday aniga iyo in badan oo qurbo-joog ah la tahay waxa haboon dawladdu inay danayso shicibka cabashooyinka ka soo yeedhaaya, ee aan loo adeegsan ciidan calooshood u shaqayste ah ee RRU:ga  oo caadayste inay dadka xabadda hoos ugu dhigaan. Dawlada waa inaan hamigeedu noqon kii  Ba Diigaanyo -Xaabsato ku hawlan intaa awooda leeday inay  wuxuun urursato.  Dawladdu ha ka shaqayso sinaanta, cadaalad iyo nabad ka taliska iyo walaalaynta dadka reer Somaliland. Dawladdu ha ogaato inay jiraan beelo badan, gobolo iyo degmooyin badan oo aan wax loo qabtay jirin. Marka loo eego ama la barbar dhigo beelo gaar ah, gobolo iyo degmooyin gaar ah  oo ay caddahay inay ay heshiisyo gaar ah dawladda wada galeen

Shicibka reer Somalilandna waxaan odhan lahaa, dhacdooyinkii foosha xuma ee sideetanaadkii xusuus iyo hadimo haydiinku filaa. Dalkeenu yaanu noqon sidii  konfurta Sudan ee markii  Sudantii ka go’ay iyagu is baabiyey. Mudaaharaado iyo rabshado la abaabulo kaga cirbo-qaata  khasaaraha ay dhaxal siisay dawladihii carbeed ilbaxnimo iyo awoog-sheegashoba adduunka u horeeday.

Qalinkii: ubaxgalool

Â