Anigoo ku hadlaya afka Beesha Habar-Yoonis ee imaraat kawaxaan BAAQ u dirayaa madaxweyneha jsl in uu sii daayo Guuleed Daahir Samatar

                       BAAQ

BISMILLAAHI  RAXMAANI RAXIIM

                              ASSALAAMU CALEYKUM WARAXMA TULLAAH

ANIGOO  KU  HADLAAYA  MAGACA  QURBO JOOGTA  DALKA I MARAAT  KA  CARABTA EE MIDOOBEY EE  KASOO  JEEDA BAH  WEYNTA  HABAR  YOONIS  WAXAANU  CAN  BAARAYNAYNAA  AFDUUBKA SHARCI  DARRADA  AH  IYO  MADAX  FURASHADA  LOO  HAYSTO  GUDOOMIYE  KU XIGEEN KII HORE EE  GOBOLKA  TOGDHEER  MD GUULEED  DAAHIR  SAMATAR OO  LAGASOO  BILAABO  3 SADEX DII BISHAN  KOOBAAD  EE  2014  KA   LAGU  HAYSTO  SALDHIGA  DHEXE  EE  MAGAALADA  HARGEYSA

 

HADABA  WAXAANU   UGU  BAAQAYNAA  UMMADDA  NABADDA  JECEL  IYO  URURADA U DOODA XUQUUQDA  DADKA  LA  DULMIYO  HADII  AY  YIHIIN  KUWO  DAWLI  AH  IYO  HADII  AY YHIIN  KUWO AAN  DAWLI  AHAYNBA  IN  AY  KA  HAWL  GALAAN  SIDII  GUULEEG  DAAHIR  SAMATAR  LOOGU SOO CELIN  LAHAA  XORRIYADIISII  IYO  KARAAMADIISII  IYADOO  AYNU  OGNAHAY  OO  KAWADA WAR QABNO  SIFAHA  LAGU  QABTAY  GUULEED  IN  AY  TAHAY  SHARCI  DARRO OO AAN LOO SOO MARIN SIDA  DISTOORKA  DALKA  JAMHUURIYADA  SOMALI LAND  DHIGAYO  AMA  SIDA  GUUD  AHAANBA UU  QABO  XEERKA  XUQUUQDA  AADAMAHA  EE  ADUUNKU  OO  IYADAAN   WAARAN  LOO JARIN MAXKAMADINA  DENBI  KUSOO  OOGIN  SADDEXDII  HABEEN  NIMO  LOOGU  DHACAY GURIGIISA  OO LAGALA BAXAY.

WAXA   KALE OO  AANU CANBAARAYNAYNAA   ADUUNKANA U SHEEGEYNAA  IN  SOMALI LAND  U DHAQMAYSO   SIDII UU U DHAQMI JIREY TALISKII  KOONFURTA  AFRIKA  EE  CUNSURIYADDA  KU CAAN  BAXAY  WAAYO   LAMA  ARAG  ADUUNKAN  AYNU KU  NOOLAHAY  QOF  GURIGIISII  IYO MAGAALADII  UU  KU  DHASHAY  LAGA  MASTAAFURIYO  DADKA  WAA LA  XIDHAA  HADAY  DENBI GALAAN  LAAKIIN IN QOF  MUWAADAN  AH  OO DALKIISII IYO HOYGIISII  JOOGA  IN  LA  YIDHAAHDO WAXA  KAA  MAMNUUC  AH  XAQA  KU  NOOLAANSHAHA  HALKII  UU  KU  DHASHAY  IYO  GURIGIISII

CAALAMKA  AYNU  MAANTA  KU  NOOLAHAY  WAXA  KELIYA  OO SIDAA  U  DHAQANTA  DAWLADA CIBRIYADDA  AMA  YUHUUDA  OO  AYNU  ISKU   HAYNO  AWOOD  DIINEED CID  KALE OO CAALMKA QOF  KA  MASAAFURISA  GURIGIISA  LAMA SOO  SHEEGIN  MANA  JIRTO

 

HADABA  WAXAAN  KUSOO  AFJARAYAA  BAAQAN CODSI KU WAJAHAN  MADAXWEYNAHA JSL OO AH   WADAXWEYNE  XADHIGA  GUULEED  MEELXUN  BUU  GAADHSIIYEY  SUCMADII  IYO  MAGICII DALKA  EE ARRINTAN  HADII LIXI  JECLO  KAA HAYSO  DALKA  SOO  FARA  GELI  OO  KA  DHEX QAAD WASIIRRADA  UU  U  AFDUUBANYAHAY  GUULEED  EE  IYAGU  ISU  AWOOD  SHEEGANAYA XORRIYADIISANA  U SOO CELI  MUWAADAN  KAAS DULMAN  HADII  KAL E WAXAAD  OGAATAA  IN ARRINTAAS  MAGAC   XUMADA  KA  DHALATAA  AY  ADIGA  KUU  GELEYSO  TAARIIKHDA  MA GUURTADA AH UNA DHUG YEELO  MAANTABA HALAKA  AA KALA JOOGTAAN  ADIGA IYO KUMANAANKA  QOF  EE  SHACAB KAAGA KA MIDKA AH EE QADIYADDAA FOOSHA  XUN   EE GUULEED   LAGULA KACAY  KAAGA  FOGAADAY 

WAXA  KALE  OO  AAN  KELMAD  ODHANAYAA   KOOXDA  AFDUUBKA  U  HAYSATA  GUULEED  AMA DOONEYSA  IN  AY FIDNO  KU  HURIYAAN  IYO  QALALAASE DALKU  GALO  WAXAA  SAAXIIBAYAAL  OGAATAAN  IN  AY ARRIMAHAN SOO SOCDA GO,AANSATAY  BEEL  WEYNTA  HABAR YOONIS

1 IN AAN DAGAAL  LAGU  DUDUUCI N BEESHA

2 IN HADII  XUKUUMADU  SII  DEYN  WEYDO  GUULEED  LOO FIDAYNAYO  JIRITAAN KA JSL OO INTA YAR EE  KA  HADHAY  CIMRIGA  XUKUUMADDA  KULMIYE  GUULEED  XABSIGA KU JIRI DOONO LOONA SOO  MAGACAABI  DOONO  ISGOO  XIDHAN  XIL  UU KA  QABAN  DOONO  DAWLADDA BEDELI DOONTA  KULMIYE  INSHA ALLAAHU

3 WAXA AANU COD DHEER  KU  ICLLAAMINAYNAA  IN  AY  HABAR YOONIS  DAGAALLAMI  DOONTO IYADOO  HAYSATA  CUDUDDA   REER  SL OO DHAN  MAALINTA  WAX  LOO  DHIMO  JIRITAAN KA IYO QARAN NIMADA  JSL TAAS  OO DURBA  IFAFAALE  KA  MUUQDO  IN  LA  DOONAYO  IN  DALKAN LOO GACAN GELIYO  DHIIG  MIIRATADII  LAGA XOREEYEY  ILLAAHAY HA  INAGA  BAD BAADIYO E

 

WABILLAAHI TAWFIIQ

XUSEEN XIRSI CAAMIR Email inacaamir1960@hotmail.com