“Arrinka Aqoonsigu Waa Mid Ay Inta Badan Wadamada Reer Yurub Yidhaahdaan Waxay U Taalaa Midowga Afrika, Laakin Waxaanu Nahay Wadan Jira Oo Shaqaynaya”

image

Jan 23,2014 Hargaysa(SM)–Madaxweynaha Somaliland ayaa ka hadlay qodobada ay ka wada hadleen madax ka tirsan dawladda Faransiiaxmedkaska oo uu sheegay inuu kulamo kula yeeshay magaalada Paris oo uu safar shaqo ku tagay.

Madaxweyne Siilaanyo, oo u waramay Idaacadda la yidhaahdo Radio France Internationale, ayaa sheegay inaanu madaxda Faransiiska kala hadal arrimaha aqoonsiga, maadaama oo ay dawladaha reer Yurub aqoonsiga Somalialnd iskaga riixaan qaaradda Afrika, balse uu kala hadlay arrimaha ay iska kaashan karaan ee horumarka iyo mucaawinooyinka.

“Bulshada caalamku namay aqoonsan, laakiin waxaanu nahay wadan jira oo shaqaynaya oo dunida kala shaqeeya arrimaha mucaawinooyinka, horumarka iyo Dimuqraadiyadda.” Ayuu yidhi Madaxweyne Siilaanyo, waxaanu isagoo arrinka aqoonsiga Somaliland ka hadlaya uu yidhi, “Arrinka aqoonsigu waa mid ay inta badan wadamada reer Yurub yidhaahdaan waxay u taalaa Midowga Afrika, sidaas darteed kamaanu wada hadal arrinta aqoonsiga, waxase aanu ka wada hadalnay wada shaqaynta, inaanu iska kaashano arrimaha mucaawinooyinka iyo horumarka.”

Isagoo madaxweynuhu ka sii hadlaya xidhiidhka ay Somaliland la leedahay beesha caalamka, wuxuu yidhi “Si kale haddii loo yidhaahdo aqoonsi la’aan waanu la shaqayn karnaa wadamada kale, waanan wada macaamilnaa wadamada kale. Waxaanu iska kaashanaa ilaalinta amniga gobalka, la dagaalanka budhcad badeeda iyo kooxaha xagjirka ah, waxaanan leenahay xabsiyo aanu ku hayno budhcad badeed.”

Madaxweynaha oo la weydiiyay inuu rajaynayo in Faransiisku uu gacan ka gaysan karo dedaalka ay Somaliland ugu jirto aqoonsiga, wuxuu yidhi, “Faransiiska iyo wadamada kale ee reer Yurub waxay inta badan yidhaahdaan, waa in aqoonsigu ka yimaadaa Afrika oo dhinacaas ayay nagu riixaan, laakiin way nala shaqeeyaan, wada shaqaynaa, way taageeraan horumarkayaga iyo dimuqraadiyadayada.”
Madaxweyne Siilaanyo, waxa kale oo uu sheegay in Faransiisku uu door muhiim ah ka ciyaarayo qaaradda Afrika

Salaanmedia/Hargaysa

Geeska