Aynan Somaliland Community In UK Waxay Cambaareynaysaa Falka Waxashnimada Iyo Argagixisada Ah Ee Lagu …

MAQAAL

Aynan Somaliland Community in UK waxay cambaareynaysaa falka waxashnimada iyo argagixisada ah ee lagu gelelafey reerka nabadqabka ku seexday iyagoon loo kala aabo yeelin caruur iyo cirroole,rag iyo haween.

 

Falkaasi wuxuu ahaa mid aan ciidamada yuhuuddu xataa ku samayn falastiiniyiinta. Waxa aanu dacwad ka dhan ah ciidamada RRU-da u gudbinaynaa dowladdan BRITAIN oo runtii ciidamadan u tabo-bartay kuna mushaharo siisa in lagula dagaalamo argagixisada caalamiga ah haddiiba ay isku dayaan inay usoo talaabaan oo gabbood uga dhigtaan Somaliland.

 

Dorraad Burco ayay dad ku dileen, shalay Oodweyne ayay dad ku dhaawaceen, xalay Burco ayay mireen, berrina maxaa xigi.
Waxaanu ugu baaqaynaa xukuumadda Somaliland in muwaadinka xalay lagala baxay gurigiisa xorriyaddiisa dib loogu soo celiyo, lagana digtoonaado wixii nabadgelyada waddanka wax u dhimaya. Weli lama arag dowlad iyadu nabadgelyada cadow ku ah tan ka horow.
Somaliland sidan kuma sii Jiri karto,xaraaradda shacabku way kacsan tahay,xukuumaddii la doortayna waxay noqotay mid xaalad abuur ah. Intaas wax ka badan lama sii dulqaadan doono. Soomaalidu waxay tiara ”KARIS XUN IYANA KU WAX LA”. Cabudhinta iyo cadaadiska iyo weliba caddaalad daradu hadday sii socoto heeryada waa layska tuurayaa. Nin guri dhalo ah ku jiraa dhagxaan ma tuur tuuro.

Mar labaad waxaanu leenahay ninkaas oo in muddo ahba la bartilmaameedsanayey si dhaqso ah haloogu soo celiyo xorriyaddiisa.

Guddida Aynan Somaliland community UK

farhangaliyow66@hotmail.co.uk