Badhasaabka Burco ee cusub xal ma u noqonkaraa mushkilada gobolka haysata mise waa jug jug meeshaada joog!

maqaal

Gobolka Togdheer oo lagu yaqaan dad hal abuurleh oo had iyo goor sabab u noqda isbedelka Somaliland ka dhasha ayaa beryahan danbe waxa ruxaayay xumad siyaasadeed oo sal dhigatay taas oo dibu dhac ku keentay horumarkii gobolku ku naaloonayay horumarkaas oo umada deeganka kunooli si wada jira uwada qabsan jireen waxay hore u samaysteen jaamacada burco oo hada meel wanaagsan maraysa waxay kale oo samaysteen biriij aad u weyn oo mihiimadiisa leh oo magaalada isku xidhay iyo wadooyin badan waxay kale oo ka midaysnaayeen bulshada burco inay si wada jira u samaystaan wadada isku xidha burco iyo oodweyne ilaa hargeysa oo gudi deegaanka burco ka wada kooban loo xilsaaray sidaas oo kale ayay wadada isku xidha burco ilaa ceerigaabo ay rabeen inay si wada jir ah uga wada qayb qaataan,
 
waxay sifiican uga soo korayeen kala qaybsanaan hore u ragaadisay oo ay ku reebtay siyaasadihii isdiidanaa ee ka dhashay kala qaybsanaantii SNM dalka la soo gashay waxa soo noqday is aaminkii gobolka iyo bulshada waxa meesha ka baxay khad cagaaran oo si macnawiya magaalada u dhex ooli jiray 
waa bulsho karti badan oo isjecel oo aan qaadan waxa xun oo markaba ka jawaabta oo dereenkooda muujisa,
 
nasiib darada haysa gobolka wuxuu hadaf u noqday isbedeladii siyaasadeed ee dalka soomaray waxa ka soo jeeda siyaasiyiintii Somaliland ugu miisaanka badnaa sida c/raxmaan axmed cali tuur, maxamed xaaji ibraahin cigaal iyo madaxweyne axmed siilanyo oo hada talada dalka haya nasiib umuu helin gobolku inuu haldoorkaas ka dhashay ee dalka soo xukumay raad fiican kaga tago ee waxa uu ka dhaxlay khilaaf siyaasiya oo joogto ah oo markuu mudo ka nasto hadana dib u curta!,
 
hada dalka waxa hogaanka u haya madaxweyne siilanyo oo ka soo jeeda gobolka markii uu xukunka la wareegay waxa uu is weydaariyay badhasaabadii dalka oo uu midba geeyay gobol aanu ka soo jeedin siyaasadaas waxay dad badan oo reer Somaliland ah u qaateen in madaxweynuhu kaleeyahay in ay haboontahay in isdhex gal lasameeyo oo ay haboontahay in qofku xukumi karo deegaan aanu u dhalan halka dadka deegaanka ah qaarkii u arkayeen inuu madaxweynuhu ku qarinaayo inuu meesha kasaaro awood qaybsigii ka dhaxeeyay umada gobolka kunool oo ahaa hadii qolo deeganka u badato oo maayarka ku soo baxdo qolada kale ay hesho gudoomiyaha gobolka ama badhasaabka,
 
isku shaandheyntii badhasaabada ee madaxweynuhu sameeyay reer burco waxay nasiib u heleen badhasaab aad iyo aad u qiimo badan oo mudadii uu xilka hayay si fiican oo hufan oo isku dheelitir leh gobolka u maamulayay waxa uu ahaa nin kudhac leh oo weliba goaan qaadasho u dheertahay oo aan cid cid umaqlin wax dhibaato ah oo uu kala kulmay bulshada reer burco may jirin inta beenta ka gudbin jirtayna waa inta danaheeda uga fuli waayeen!,
 
nasiib daro somalidu waxay tidhaahdaa ruqo nin kii lahaa dabada hayaa ma kacdo! dan kasta haka lahaatee cida qudha ee uu badhasaab xamarji shaqadiisa kawadan kari waayay ee faragelinta ku haysay waa xukuumadii uu isagu wakiilka ka ahaa! bal sidee ayaad shaqadaada u gudan kartaa hadii masuulkii shaqadan kuu diray ee hadana kugu kaantaroolayay aanu raali ka ahayn inaad shaqadaadii si habsamiya ugudato? waa wax aan caqligaaga geli karayn oo layaableh! waa maamul xumada siyaasada xukuumada siilanyo ee nin jeclaysiga ku dhisan!,
 
bal u fiirso waxa labedelay taliyihii qaynta boliska oo isaga oo sifiican shaqadiisa u gudanaaya oo aanu kacaban gudoomiyihii gobolku sabab la-aan lagu bedelay! xitaa lagalama tashan badhasaabka shaqo xumo laguma arag cidgaara oo sife sharciga kabaxsan u diidan oo beelaysan oo dalka iyo dadka iyo gobolka xasiloonidiisa aan u danaynayn ayaa dacwed ka gudbisay oo xukuumadu u dhega nugushahay! waa labedeli karaa oo waa shaqaale dowladeed laakiin waxa isweydiin leh maxaa lagu bedelay oo uu galabsaday?
 
waxa habeen badh si qaawan oo dhaqanka iyo diintaba ka baxasan gurigiisii lagala baxay badhasaab kuxigeenkii hore ee gobolka guuleed daahir samatar oo aan waxba galabsan iyadoo  ay ku filayd masuulkaas in si sharciya loogu yeedho oo maxkamadi waydiiso waxa lagu soo eedeeyay isaga oo gurigiisa iyo gobolkiisa jooga hadii debi ku cadaado ileen sharciga kama weynee sharciga lamariyo hadii wax lagu waayana faraha laga qaado oo la ilaaliyo xuquuqdiisa muwaadin ee qaranka iyo dastuurku siiyay,
 
dhacdadan foosha xun ee amniga dalka iyo gobolkaba khatarta ku ah ee masuulkaas lagula kacay lagalama tashan badhasaabkii gobolka xukumaayay mr; xamarji waana ta soo dedejisay iscasilaadiisa,
 
hada waxay xukuumadu u soo magacawday badhasaab cusub oo aan aqoon u lahayn gobolka oo u baahan in lasoo dhaweeyo oo weliba lala shaqeeyo si ay ugu fudu daato shaqada uu gobolka u hayo bal hadii uu garab iyo wada shaqayn kahelo bulshada gobolka kunool xukuumada isaga soodiratay ee uu wakiilaka ka yahay ma kadaysnaysaa farogelinta qaawan ee ay kuhaysay kii isaga ka horeeyay mise waxay kaga kalsoontahay dhego dhegaynta inta la reerka ah madaxweynaha ee warka beenta ah dhegaha kaga afuufta?!!!
 
 
Aadan Axmed Nuur
khuurshe11@hotmail.com