Ban Ki-Moon oo ka hadlay weerarkii abaabulnaa ee lagu qaaday Hotel Jaziira

Xoghayaha guud ee Qaramada Midoobe Ban Ki-moon, ayaa wuxuu ka hadlay weerarkii abaabulnaa, ee hal habeen kahor lagu qaaday Hotel Jaziira ee Magaalada Muqdisho.

Xoghayaha, ayaa marka hore sheegay in Qaramada Midoobe ay ka xun tahay weerarka uu dhiigga badani ku daatay, ee dagaal-yahanada Al Shabaab ku qaadeen Hotelka.

Xoghayaha, ayaa wuxuu ku baaqay in gacanta lagu soo dhigo, raggii ka dambeeyay weerarka burburka loogu geystay aafafka hore ee Hotelka Jaziira, oo ku yaala Degmada Wadajir, si raggaasi Sharciga loogu qaado.

Ban Ki-moon, ayaa waxa uu xusay in dunidu ay dooneyso in Soomaaliya ay ka gudbiso, hanjabaadaha aan dhamaadka lahayn ee kaga imaanaaya Ururka xiriirka la leh Shabakada Al Qaacida.

Mr. Moon, waxa uu balanqaaday in ay sii wadi doonaan taageerada ay siinayaan Dowladda Soomaaliya, si loogu guuleysto dib u soo celinta nabadda iyo xasiloonida Soomaaliya.



Al Shabaab, ayaa waxay weerarka Hotel Jaziira ay ku soo aadisay, xilli la qorsheynaayay weeraro xagga dhulka ah oo lagu qaado, Deegaanada ay Ururka Al Shabaab kaga sugan yihiin dalka.

Afhayeenka guud ee Ururka Al Shabaab Sheekh Cali Maxamuud Raage “Sheekh Cali Dheere”, ayaa Khamiistii sheegay in ay sii wadi doonaan weerarada ka dhanka ah, waxa uu ugu yeeray cadowga.

Salaanmedia/Mogdisho