Beesha Habargidir iyo Alshabaab oo heshiis kala saxiixday,kuna balamay la dagaalanka Dowlada ,AMISOM iyo Itoobiya(Maqal iyo Sawiro)

 Shir kooxda Alshabaab iyo beesha Habargidir sedax casho uga socday deegaanka Buulomareer ee gobalka Shabeelada Hoose ayaasoo gaba gaboobay, iyadoo labada dhinac ay si buuxda ugu heshiiyeen in ay ka wada qeyb qaataan dagaalada looga soo horjeedo dowlada ffederaalka , Ciidamada AMISOM iyo dowladaha deriska.

Alshabaab waxay sheegeen in dalabka Shir ay laheyd Beesha Habargidir isla markaasina ay balan qaadeen in ay dagaalka Jihaadka ay si adag uga qeyb qaadan doonaan naf iyo maalna ay ku bixin doonaan.

Inta badan beelaha ka soo jeedo gobalada dhexe ee xooga ku haystay deegaana aysan laheyn ayaa waxay caadeysteen in maalinba ay shaar horleh gashadaan si ay u xajistaan ama u sii haystaan dhulkaasi iyo beeraha ay xooga ku haysteen.

Waxaa la filayaa in ay dhamaatay xilligii umada lagu qaldi jiray ka beensheega Diinta, haatana la joogi xilligii nin walba uu u noqon lahaa tuuladii uu ka soo jeeday.

Hadaba hoos ka dhageyso qodobada heshiiska.

Halkan ka dhageyso heshiiska labada dhinac.

20452

132426282934

12835

Â