Berberi Wax Go.a Lagu Qaaddo Ka Wayn Cali Xoorxoorna Waa Sakaaradii Layidhi Saalo Muuqatay Ayay Istidhaahdaa Qari

MAQAAL

Waxa mudooyinkii ugu dabeeyaya soo if baxaayay arimmo xaasaasiya oo ku saabsan Dekada marsadaa ee magaalada berbra arimahaas oo ah in xukumada siilaanyo dekeda ku wareejinayso shirkado shisheeye oo laga leeyayhay wadamada reer galbeedka gaar ahaan wadamada faransiiska iyo ingiriiska
shirkada haas oo maalgashan doona dekeda marsadaa ee berbera hadaba markii arimahaasi soo baxeen ayaa waxa dood ka galay oo waxaba kama jiraan ku sheegay maareeyaha dekeda berbera eng cali xoorxoor

waxaanu sheegay in aanay jirin cid lagu wareejinayaa dekeda magaalada berbera oo ay ku jiri doonto gacanta xukumada s/land hadaba ayaamo ayar uun kadib difaacii ina xoorxoor ayaa waxa sida cadceeda u hortimi dadka reer s/land arintii uu lahaa waxaba kama jiraan cali xoorxoor waxaana si badheedha xukumadu u keentay masuuliyiin ka socda shirkada Detol ee laga leeyahay wadaka birtan lamana dafirri karo imika hadaba ina xoor xoor ma waxaan gacanta ugu jira ayuu difaacaayay mise waxa cidkale gacanta ugu jira

waxaan filayaa cali inuu xaqiiqsaday imika inaanu cidna muran kala hor iman karin oo shacabka reer s/land hada wada ogyahay waxa kastoo jira waxa kaloo dadku ogyahay inuu cali xoorxoor ahaa sakaaradii saalada lawada arko istidhi qari

hadaba waxaan xukumada talada haysa iyo cali xoor xoorba u sheegayaa oo aan leeyahay berberi waxa go.a lagu qaado ka wayn waan sababta aan ciwaanka sare ugu soo qaatay maqaalkan taxanaha ah ee socon doona insha allah mudada bishaa hadii alle yidhaahdo
iyadoo aynu ku qaadaa dhigi doono qormooyinka dabe xaaladaha ay hada ku sugantahay dekeda berbra iyo kuwii ay hore usoo martay iyo dakanooyinka ma hadhadaa ee loo gaystay dekeda keliya ee uu leeyahay dalka JSL waxa aynu milicisi dhaba ku eegi doona waxyaabaha aanay taariikhdu dafiri karin ee ah dhaliilaha masuuliyadeed hadaba su.aasha caawa aan maqaalka ku waydiinayo dadwaynaha reer saaxil iyo guud ahaan shacabka reer s/land-ba waxa weeye DEKEDA BERBERA MA QOF-BAA-LEH MISE QARAN
sababta su.aasha igu kelifatana waxa weeye
LASOCO QAYBAA DABE

by sacad cali kahin Raamalay sacad plucky