Cabudhinta uu Wasiir Xirsi cabudhiyay xildhibaanka deegaanka Oodweyne waxay cadayn u tahay in aanay daacad ka ahayn wadooyinka Somaliland ee uu tuurta ku qaatay!

MAQAAL

Tan iyo markii uu wasiir xirsi marsaday baarlamaanka xeerkii khiyaamada ku dhisnaa ee uu rabay inuu ku urursado hantida umada jilicsan ee gaadiidlayda iyo xoola dhaqatada ka koobanayd ayaa marba waxaa qarxaaya khiyaamadii uu markii hore soo maleegay! hal mar ayay isla qaraxday hargaysi markii la yidhi booyadihii biyaha ee umada u dhaaminayay waxaa laydin saaray cashuur aydin qaadi Karin! tani markiiba waxay astaan u noqotay inuu ahaa qorshe aan laga fiirsan oo kuyimid degdeg iyo dano gaara! wixii ka dhashay waa tii la ogaa ee ay ka muquurteen wasiiradii ka danbeeyey,
 
waxay ku baxsadeen dejintii wasiirka arimaha gudaha cali waran cade ee waxay ku sigteen in madaxtooyada dhagax lagaga soo saaro! waa xukuumad jaho-wareersan waa tuba tu ku ilow iyada oo tii hore maaro loo layahay ayay meel kale ka fadkudinaysaa! waxaana u sabab ah hogaan xumada xukuumada waa dal aan talo xisbi ku socon waa dal aan talo madaxweyne iyo siyaasiyiin waayo arag ah oo la talisa aan ku socon waa dal wiil yar oo aan waayo aragnimo siyaasadeed lahayni hogaanka u hayo oo maalinba wixii madaxiisa ku soo dhaca uu ku dhaqmo! hada dalkii waxa uu ku mashquuliyay wadoyin uu siyaasadeeyay oo uu midba mid ku dhufaanay! bal wadadan oodweyne iyo hargaysa iyo burco isku xidha ee inta uu qalabkii lagu dhisaayay ka qaaday uu uraray takale ee uu ka bilaabay ceel afweyn ilaa berbera ee sii maraysa miriye,
 
hada waxa uu la socday ee uu oodweyne u yimid waxa uu rabay wixii yaraa ee deegaanadaas laga ururiyay inuu ka qaado oo meelo uu dano gaara ka leeyay ku shubo waa  wax lala yaabo waxa iyana layaab leh kuwa deegaanka kasoo jeeda ee uu sawirka ka dhigtay ee meesha marayay ee aan marqudha ka hadlin dhagarta xirsi meesha la maraayo ee weliba sacabka u tumaaya! xildhibaan ibraahin maxamed nuur (dhirqeeye) oo sicad u fahan san oo isyidhi ka hadal dhagarta xirsi waxa uu ugu jawaabay hala xidho isagoo ah xildhibaan umadi soo dooratay oo xasaanad huwan!,
 
marka sharciga la-eego wasiir xirsi iyo xildhibaan ibraahin maxamed nuur waxa xasaanadi saarantahay xildhibaanka waayo umad balaadhan ayaa soo dooratay oo uu wakiil ka yahay halka wasiir xirsi uu madaxweyne siilanyo xilka u magaabay oo uu beri ka maalin eryi karo! waxa se isdaba mariyay sharcigii iyo dastuurkii midba awoodiisa qeexay ee hore u kala fadilay oo meesha uga saaray xukuumada siilanyo oo xirsina awood aanu xaq ulahayn siisay xildhibaankana karaamadiisii uu lahaa meesha ka saartay!,
 
waxa layidhi waraabow inaad saamo jiido iyo saqadh tirasho kala daa! siyaasada qaawan ee deegaamaynta ku dhisan ee wasiir xirsi wato ee uu ku dhex qarinayo wax uu ugu yeedhay horumarka wadooyinka waa mid muuqda oo wixii caqli leh aan ka qarsoonayn! inyar oo danaystayaal ah oo uu duufsaday ayuu marba meel ku sawiraa laakiin waxa layidhi beentu hal lug bay leedahay oo marka laqabto ayay kuftaa! waxa kuu cadaynaya sida marba meesha uu taabtaa bamku ugu qarxaayo! waxa layidhi sirma qabe alleh ayaa u sahana! umadan ilaahay SWT ayaa ilaashanaya mujrim kasta oo wax is bida isaga ayaa kaga filan waana umad aan ceela u qodnayn cid aan ilaahay SWT ahaynina aanay u maqnayn!.
 
 
Aadan Axmed Nuur

London