Daawo Dalka Turkiga oo ka maarmay dalalka Baabuurta Sameeya ee reer Yurub,Bilaabayna inay baabuur sameystaan.


Dal weeynaha Turkiga ayaa joojiyay inta badan gawaadhidii ay ka soo iibsan jireen dibada gaar ahaan wadamo qaarada Yurub ku yaala ee caanka ku ah soo saarista gawaadhida cusub sida Jarmalka,Talyaaniga iyo Sweden.

Turkiga oo bilaabay ” lagaa barayba  laga badi ” ayaa waxaa la shaaciyay in Injineero badan oo u dhashay dalka Turkiga ay ku guuleesteen inay furaan warshado cusub oo soo saari doona gawaadhida casriga ah gaar ahaan kuwa dadweynaha.

Wadamada Jarmalka , Talyaaniga iyo Sweden oo horay uga faa’iday shacabka Turkiga ayaa iminka waxaa soo food saari doona dhaqaalo xumo madaama Turkiga oo gawaadhi dalalkaas aad u iibsan jiray uu furtay warshado u gaar ah kana jaban kuwa dalalka Yurub.

Salaanmedia/London