DAAWO Fariin Culimada Waaweyn Ee Somaliland Oo Baaq U Direy Dhamaan Dadka Muslimka Ah Ee Xusa Ama U Dabaal Dega Sannadka Cusub

QORI

Jan 1,2014 Hargaysa(SM)-Sheekh Maxamed Sheekh Cumar Dirir iyo Sheekh Maxamed Cali Gadhle ayaa farriin ay bulshada u direen, waxay kaga digeen ka qayb galka xafladaha sannadka cusub loogu dabaal degayo. Sheekh Dirir oo ugu horayn arrintaas si adag uga digay ayaa yidhi, “Maalmahan oo kale marka uu sannadkan cusub ee Miilaadigu bilaabmayo, waxay dadku sameeyaan dabaal deg aad u badan iyo iyadoo loo ciido, ha ugu sii darnaandeen walaalaheena warbaahinta ku hawlan qaar ka mid ah, dhallinyarada qayb iyo hoteelada qayb, taas oo ay u farxayaan ciidda uu sannadkaasi leeyahay.

Salaanmedia/ Hargaysa