Daawo Muqaal..Madaxweynaha Somaliland oo kulamo la yeeshay Masuuliyiin Faransiis ah

Weftiga faransiiskaPARIS (SM)-Weftigii Madaxweynaha Somaliland Md. Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) iyo weftigii uu Hoggaaminayay ee socdaalka shaqo ku jooga dalka Faransiiska ayaa saaka bilaabay kulamadii ugu horeeyay ee ay la lahaayeen masuuliyiin ka tirsan dalkaas.

Madaxweynaha iyo weftigiisu waxay maanta kulmeen masuuliyiin ka tirsan dawladda Faransiiska iyo masuuliyiinta shirkad faransiis ah oo aad u xiisaynaysa inay maalgashi ku samayso dekadda Berbera.

Wasiirka Ganacsiga iyo maalgashiga caalamiga ah Dr. Maxamed Cabdilaahi Cumar oo ka hadlay kulamadda maanta ayaa tafaasiil ka bixiyay shirarkaasi.

Madaxweynaha waxa weftigiisa xubno ka ah marwadda koowaad ee Somaliland Marwo Aamina Waris Sh. Maxamed Jirde, Wasiirrada Ganacsiga, Arrimaha dibada, Madaxtooyadda, qorshaynta qaranka iyo xoghayaha gaarka ah ee Madaxweynaha.