Daawo Muqaal.. Xisbiga UCID Oo Xaflad Soo Dhaweyn U Sameeyay Taageerayaal Iyo Masuuliyiin Ka Soo Digarogtay Xisbiga Kulmiye Iyo Ururadii Hadhay Ee Dalsan Iyo Umadda.

 

25,2014 Hargeysa(SM)- Xisbiga Mucaaridka ee UCID ayaa maanta waxa ku soo biiray Taageerayaal iyo masuuliyiin ka soo digarogtay Xisbiga Tallada dalka haya ee Kulmiye iyo Ururadii dhacay ee Dalsan Iyo Ummada, munaasibaadasi soo dhaweynta ayaa wax aka qaybgalay Guddomiyaha Xisbiga UCID Eng. Faysal cali waraabe, Musharax Jagada Madaxtinimada ee Ucid Aqoon yahan Jamaal Cali Xusseen, Mujaahid Ibraahin Dhagaweyne, Maxamed Xaashi Cilmi, Maxmaed Isxal, Cabdiraxman Cabdiqaadir, Abwaan Cabdi Aadan Xaad (Cabdiqays), Abwaan Jaamac Riyo, Xildhibaan Rayte, iyo masuuliyiin faro badan oo ka tirsanan jiray ururadii dhacay ee Dalsan Iyo Ummada iyo Xisbiga Kulmiye. Munaasibadaasi ayaa waxa laga jeediyey hadalo dhaliil u badan oo ku wajahan Dawlada Siillaanyo

 Salaanmedia/ HargeysaÂ