Daawo Muuqaal: Dawladda Hoose Ee Hargeysa Oo Hawl-gal Waddo Baneyn Ah Ka Fulisay Degmada Gacan Libaax

(SM-Hargeysa) – Dawladda hoose ee Hargeysa ayaa maanta bilowday hawlgal lagu baneynayo waddooyin muddo xidhnaa oo ku yaala degmada Gacan Libaax ee Caasimadda.

Hawlgalkan jidadka lagu banaynayo oo dadka degmadaasi soo dhaweeyeen, ayaa waxa hogaaminayey Maayar ku xigeenka Hargeysa, Cabdicasiis Maxamed Xaashi (Cagaweyne), oo ay wehelinayeen Maamulka degmada Gacan-libaax iyo waxgaradka dadka deggan halkaasi, ayaa dawladda hoose oo isticmaalaysa cagafyo waxay baneeyeen waddooyin dhowr ah, kuwaasi oo hore dadwaynuhu dhibaato ugu qabeen.

Maayar Ku xigeenka Hargeysa oo ka hadlay hawlgalkan lagu baneynayo waddooyinka degmada Gacan Libaax ee xidhnaa, u mahad-celiyey dadweyne la shaqeeyay isla-markaana ka kacay waddooyinkii ay degganayeen “Waddooyinka aanu banaynaynaa waxay qayb ka tahay hawsha aanu ka hayno degmadan iyo waajibaadkayagii oo aanu gudanayno, waxaanu dadwaynaha ka codsanaynaa in sida wanaagsan ee aad saaka ula shaqeyseen ciidanka iyo maamulka degmadaba inaad ula sii shaqeysaan” ayuu yidhi, Maayar ku xigeenku, waxaanu intaasi ku daray “Waddo la’aantu waa baa’ba, toban sanadood waddadaasi way xidhnayd oo waad ogeydeen, imika ayaa laga saari karayaa maydka qofka go’a, oo gurmad laga fidin karayaa”

 

 

Salaanmedia/Hargaysa