Daawo Sawirada: Golaha Wasiirada cusub ee Soomaaliya oo si wadareed loo dhaariyay

Xilli maanta la soo gaba gabeeyay kal fadhigii 3-aad ee Baarlamaanka, ayaa waxaa lagu dhaariyay Xarunta Golaha Shacabka ee Magaalada Muqdisho, Golaha Wasiirada ee Xukuumada cusub.

Gudoomiyaha Maxkamada Sare ee Dalka Abukaate Ceydiid C/laahi Ilka Xanaf, ayaa si wadareed Saldhiga Baarlamaanka Soomaaliya ugu dhaariyay Xildhibaanada faraha badan.

Golaha Wasiirada ee Xukuumada C/weli Sheekh Axmed Maxamed, ayaa Talaadadii cod aqlabiyad leh waxaa ku meel mariyay Mudane-yaasha Baarlamaanka Soomaaliya.

Xasan Sheekh Maxamuud, Madaxweynaha Dowladda Federalka ee Soomaaliya, ayaa waxa uu galabta soo xiray kal fadhigii 3-aad ee Baarlamaanka.

Daawo Sawirada: