Â
Inta badan Dunida oo idil ayaa laga xusay dabaaldega iyo soo dhaweeynta sanadka cusub ee 2014-ka oo xuskiisa lagu qabtay wadamo badan oo caan ah gaar ahaan Caasimadaha ku tartama soo dhaweynta Happy new year-ka.
Magaalooyinka ugu caansan ee laga xusay sanadka 2014-ka ayaa waxaanu ka xusi karnaa magaalada London ee caasimada dalka Ingiriiska, magaalada Sydney ee dalka Australia, magaalada Berlin ee dalka Germany, magaalada Paris ee caasimada dalka France , magaalada Amsterdam ee caasimada dalka Holland , magaalada Tokiyo ee caasimada dalka Japan , magaalada Moscow ee caasimada dalka Ruushka iyo magaalada New York ee dalka Mareykanka.
Caasimadahaan caanka ah ayaa dhanka waqtiga dabaal-dega kala horeeyay waxaana ugu horeeysay magaalada Sydney ee dalka Australia halka magaalada London ay saacad ka dambeeysay dabaaldega ka dhacay wadamada kale ee Qaarada Yurub .
                      Â