Daawo Sawirada: Xildhibaanada Baarlamaanka Puntland oo maanta lagu dhaariyay Xarunta Baarlamaanka Puntland

Xubnaha Baarlamaanka cusub ee Puntland, ayaa waxaa maanta si rasmi ah loogu dhaariyay Magaalada Garoowe ee Xarunta Maamul Goboleedka Puntland.

Xildhibaanada, ayaa waxaa lagu dhaariyay Munaasabad lagu qabtay Xarunta Baarlamaanta Puntland, waxaana Munaasabada goobjoog ka ahaa Madaxweyne Faroole, Musharaxiinta Madaxtinimada ee Puntland iyo xubno kaloo muhiim ah.

Xildhibaanada la dhaariyay, ayaa waxay tiradoodu tahay 66 xubnood, iyadoo laba kamid ah ay yihiin haween, sida ay soo gudbiyeen Guddiga Xalinta Khilaafaadka.

General Cadde Muuse Xersi, Madaxweynihii hore ee Puntland, ayaa wuxuu soo dhaweeyay dhaarinta Baarlamaanka cusub, oo 8-da January lagu wado in uu soo doorto Baarlamaanka.

Madaxweynaha xilka ka sii degaaya Dr. C/raxmaan Maxamed Maxamuud (Faroole), ayaa si diiran waxa uu u soo dhaweeyay xubnaha cusub ee loo soo xushay, in ay matalaan Baarlamaanka Puntland.

Guddoomiyaha Musharixiinta Puntland General C/laahi Saciid Samatar, oo ku hadlaayay magaca Musharaxiinta, ayaa dhinaciisa soo dhaweeyay dhaarinta Xildhibaanada cusub.