Daawo Sawiro….Aas Qaran oo maanta loo sameeyey Allah ha u naxariistee Ciyaartooygii weynaa ee Marxuum-Cabdirashiid Maxamed Sugule (Culus)

Inaalilaahi wa Inaailayhi Raajicuun

7

Illaahay ha u naxariistee.

Waxa maanta oo aas qaran loogu sameeyey Allah ha u naxariistee Ciyaartooygii Gobolka Togdheer Marxuum- Cabdirashiid Maxamed Sugule (CULUS) Magaaladda Leicester ee dalka Ingiriiska. Aaska marxuumka oo ay kasoo qayb galeen dad aad u fara badan oo ka kala yimid dhamaan dalka Ingiriiska,Waxa kale oo aaska Marxuumka soo buux dhaafiyey rag ay inbadan saaxiibo wada ahaayeen oo aad uga murugeysnaa dhimashada saxiibkood ayna indhahooda ka muuqatay Ilmo.Maanta oo ahayd maalin shaqo ah ayey hadana u muuqatay in dadku ay aad u badnaayeen aadna uga xumaayeen dhimashada Marxuum Culus  ILLAAHAY ha u naxariisteen.

Marxuum-Cabdirashiid Maxamed Sugule (Culus) oo ahaa ciyaartoy aad looga yaqaanay dhamaan dalalka afka Soomaaliga ku hadla gaar ahaan Somaliland. Marxuumka Alla ha u naxariistee waxa uu 80naadkii u ciyaari jirey gobolka Togdheer oo uu ka qayb qaatay ciyaaraha qaybaheeda kala duwan.Marxuum Culus waxa uu ahaa ciyaartoyga kaliya ee Gobolka Togdheer u safan jiray heer gobol, kubada cagta,Faalida, iyo baskitbalka.  Marxuumku waxa uu beryahanba ku xanuun sanaayey magaaladda Leicester.

Bahweyna Salaanmedia meelkasta oo ay joogaay waxay TACSI u dirayaan qarabadii,Ehelkii iyo Asxaabtii uu ka geeriyooday. Isagana waxaan Illaahay uga baryaynaa inuu naxariistii Jano ka waraabiyo.

Amiin              Amiin               Amiin  

 

3

1 2
4 5 6
8 9 11 12 15 16 18 19 20

Â