Daawo Sawiro…Kulan casho sharafeed ah oo qurbajoogta Ingriisku Xalay (20/01/2014) ku qabileen wasiirka Beeraha ee Dawladda Degaameedka Somaalida Itoobiya.

IMG_4358
Kulan casho sharaf ah oo qurbajoogta ismaamulka somalida Etoobiya ee degan magaaladda London iyo nawaaxigeedu ay la qaateen  Mudane Cabdirisaaq Cali Baashe oo ah Wasiirka Beeraha iyo Xoolaha ee dawlad deegaanka Soomaalida Itoobiya ayaa habeenimadii  20/1/2014  lagu qabtay  huteel ku yaal xaafadda Shepherd Bush ee London. Kulankaas oo ay soo qaban qaabiyeen xubno ka tirsan qurbajoogto uuna xidhiidhinayey Mudane Khadar Aadan Koodbuur.
 
Wasiirku  wuxuu ka mid ahaa  waftiga uu hogaminayeyey  Madaxweynaha ismaamulka Somaalida Ethiopia Cabdi Maxamuud Cumar oo baryahan ku sugnaa London  una joogay howlo shaqo.
 
Kulankaas ay jaaliyadu la qaatay wasiir Cabdirisaaq Ali Baashe wuxuu ahaa kulan is xog waraysi ah kaas oo dhaliil iyo boqaadinba laha labadda dhinacba si niyad sami ahna loo wadda hadlay.
 
Dhinaca jaaliyadu waxay wasiirka kala hadashay tabashooyinka ka jira degaamadda ay ka soo kala jeedeen qurbajoogtu ( Jigjiga  ilaa Baaldhaye) cabashooyinkaas  oo daaranaa dhinacyada horumarka, nabadgelyadaba iyo dad ku xidhxidhan jeelasha oo u baahan in kiisaskooda hoos loo eego.
 
Dhinaca kale waxay qurbajoogtu qireen amaana u jidiyeen dawladda ismaamulka waxyaba muuqda ee ka qabsoomay degaanka taas oo ay sheegeen in ay yihiin wax aan la qarinkarin sida ceel biyoodka  loo baahnaa ee laga qoday Xarshin iyo wax qabadka kale ee muuqdaba. Waxayna soo dhaweeyeen ceelasha kale ee gacanta lagu hayo illahayna waxay ka rajeeyeen guul in laga gaadho.
 
Wasiirka waxa uu mid mid uga jawaabay suaalihii badnaa ee lagu qarqiyey, jawaabahaas oo intooda badan aad loogu qancay.
 
Haddaba wasiirku wuxuu ku booriyey in ay dadweynaha degaanku aaminaan degaanimadooda iyo in ay ka tirsanyihiin qoomiyadaha kala duwan ee ku dhaqaan dalka itoobiya gaar ahaana soomalidda degaanka.
 
Wasiirku wuxuu ku canaantay in dhalinta faraha badan ee intaytay ee waxku bartaan dalka hadda ka baxa  ee raadsadda shaqooyinka ka lacag badan inta lagu qaato dawladda Ismaamulka Somaalida oo ay dadkooda dhib iyo dheefba laqabaan loona hogaansamo nidaamka dhaqaale ee lagu maamulo dalka etoobiya guud ahaan taas oo la ilaaliyo in aanu dadku noqon dabaqadda kala sareeya  oo midka hayadaa u shaqeeyaana qaadan mushar sare midka dawladda u shaqeeyaana qaadan mushahaar yar.
 
 Sidoo kale wuxuu yidhi dadka degaanku waa in ay maalgashadaan degaamadooda oo ayna ka cararin. Wasiirku waxa kale oo uu ku booriyey qurbajoogta in ay caadaystaan in ay ku xidhnaadaan Safarada qaatana waraaqaha aqoonsiga isla markaasna ka mid noqdaan jahliyadda qurbajoogta ismaamulka Somalida Itoobiya kalana qaybgalaan kulanadda iyo hadba wixii soo kardho.
 
 Sidoo kale waxaa wasiirku ka codsaday qurbajoogta in ay ka soo qaybgalaan horumarinta degaanka dhinaca wax barashadda iyo caafimaadka soona qalabeeyaan iskuladda iyo goobaha caafimaadka ee degaanka sida kuraasta, sariiraha, buugaagta wax laga barto oo ay kaga deydaan qoomiyadaha kale ee itoobiya sida Oramadda iyo amxaaradda.
 
Wasiirku wuxuu balan qaaday cidii keenta taakulayn dhinaca waxbarashadda iyo caafimaadka ah ee soo gaadhsiisa dekedaha jabuuti ama berbera iyo kuwa kalaba in ay diyaar u yihiin in ay u sameeyaan fududaynta soo gelinta dalka marka ay la soo xidhiidhaan.
Wasiirku wuxuu amaan u soo jeediyey qurbajoogta reer Baaldhaye oo uu sheegay in ay ugu soo deeqeen iskula kuyaal Baaldhaye qalabayn aan oolin dugsiyadda kale ee degaanka Ismaamulka, sidoo kalena wuxuu carabka ku dhuftay dhakhtar ku yaal Jigjiga oo Iyana ay qurbayoogtu ku u soo direen qalab casriya oo ka heer sareeya kuwa yaal dalka.
 
Wasiirku wuxuu sheegay wixii ganacsiya ee ay jaaliyadu la soo degayso in ay u hogaansamaan nidaamka cashuuraha laakiin wixii samafal ah aan waxba laga qaadidoonin.
 
Marwa ka mid ah haweenka qurbajoogta ayaa balanqaday ii tuulo ka mid ah degaanka Gaashaamo ay ka dhisidoonto dhawaan dugsi (school) taas oo uu wasiirkuna balanqaaday qalabaynta iyo macalimiinta. Waxaa isna  goobta ka laga sheegay in sanadkii hore ay ay qurbajoogtu  ka dhiseen  tuullada camp Rooble ee degaanka Daroor iskuul (baykin school) dhamaystiran laakiin arday ka badan intii ay ugu talagaleen  ay degaanka ka timid una bahan imika in la kordhiyo si baahida loo daboolo kana cod saday wasiirka in uu la eego kordhinta dhismaha.
 
Mar uu Mudane Cabdirisaaq ka hadlayey dhinaca biyaha wuxuu sheegay in mudo sanad ku dhawo  uu riiga biyaha qodaa ka shaqaynayey Xarshiin lagu guulaysta in biya macaan laga qaadho ceel dhereerkiisu yahay 520m oo ah ceelkii abid laga qodo dalka ee ugu dheeraa.
 
Wasiirku wuxuu sheegay in ceelkii koowaad (300m) laga guuray markii uu soconwaayey biyona laga gaadhiwayey. Waxa uu ku war geliyey qurbajoogta in imika gacanta lagu hayo qodidida ceelkii Gaashamo kadibna la bilaabi doono ceel laga qodi doono Rabaso.
 
Waxa uu wasiirku sheegay in shaqaalaha riigu imika ay leeyihiin khibrad ku filan sida loo qodo ceelasha dhaadheer iyo kuwa looga baqo in ay dumaanba oo imika wixii ka danbeeya ay ku qaadan doonto mudo yar in ay ku qodaan ceelasha degaanka.
 
Waxaa kale oo uu wasiirku ka hadlay dhinaca maalgashiga beerah oo uu shegay in laga caawindoono cidii danaynaysa in ay maalgashato dhinaca wax soo saarka,  dawlada degaankuna awood u leedahay in ay ogolaansho (lease) u sii so muwaadininta dhul beereed dhan ilaa 400 hektar wixii ka badana ay bixiso dawlada Federalka ahi.
 
Wasiirku waxa uu ka shaki saaray cidii doonaysa maalgashi daymeed in la joojiyey amaahdii dulsaarka lahayd oo imika degaanka ismaamulka lagaga dhaqmo nidaam waafaqsan shareecadda islaamka oo aan ribo la socon si loo dhiirigeliyo maalgashiga muwaadiniinta.
 
Shirka oo ay ka soo qayb galeen xubno muhiim ah oo  ka tirsan gudida qurbajoogta isaaq ee ismaamulka degaan oo halkaas ka hadlay waxay sheegeen in loo baahan yahay in gacmaha la isqabsado dawladana laga shaqeeyo nabada iyo horumarinta degaanka, dawladna looga baahan yahay in ay halkaa ka sii wado wax qabadka iyo dhamaan balanqaadyadii ay isku ogaayeen dhawaana ay qaban doona shirwayne lagu dardargelinayo sidii dawlada loogala shagayn lahaa horumarka degaanka iyo xoojinta nabadgelyada.
 
Waxaa kale oo halkaa looga duceeyey Gudoomiyihii Guddidda Adan Mooge (Adan Ingriis) oo imankariwayey shirka xalad caafimaad awgeed, Salaana u soo diray Madaxweyna iyo wasiirkaba.
 
Wasiirku wuxuu u mahadnaqay xubnihii Gudiga ee waftigii uu hogaaminayey Madaxweynu, Mudane Cabdi Maxamed Cumar, ee uu ka mid ahaa kala qayb galay socodkii dheera ay ku mareen degaanka.
 
Gebagebadii shirka oo uu soo xidhan Suldaanka Qurbajoogtu  Suldan Xaaji Axmed Diiriye Aw Guuleed wuxuu carabka ku adkeyey in dawlada la is garabtaago isla markaasna lala shaqeeyo madaxweynaha iyo wasiirkaba wixii inaga dhiman ee aynu dawlada ka tabanayna aynu si haboon ugu doonono, dawladuna ay tixgelinteeda samayso.
 

Shirku wuxuu ku dhamaday kulan farxadeed iyo niyadsamaan dhamaanba dadweyna degaanku ay muujiyeen marka loo eego laba sano ka hor halkii laga taagnaa waxtarka degaanka ee dawladda ismaamulka Somalida itoobiya ee uu Madaxa ka yahay Mudane madaxweyne Cabdi Maxamed Cumar.

 Salaanmedia/London
IMG_4354   IMG_4359 IMG_4368 IMG_4371 IMG_4372  IMG_4384 IMG_4389 IMG_4390 IMG_4406 IMG_4409 IMG_4412 IMG_4415 photo_1_884af62470b6477f5dddd09af64b8b66 photo_2_727f5237df296708b6b11fa4a7dcbd82 photo_2_680321187010fb0623ca85fb3dbc35b1 photo_2_df606d709c38a4d6ba1c6435abb2d6d1 photo_3_9ee2e3d4659099b724d5c1bf642354f6 photo_3_b43fca4765015852e2eb11aba53f548e