Daawo Sawiro…Madarasadda Barashada Quraanka Kariimka ee Shaadibiya oo sanadkan Ardaydii ugu badnayd ka Aflaxday.

1

Madarasadda Barashada Quraanka Kariimka ee Shaadibiya oo sanadkan Ardaydii ugu badnayd ka Aflaxday.

22

Madarasada Shaadibiya oo ku taala Bariga magaalada London gaar ahaan Degmada Tower Hamlet ayaa sanadkan  waxa ka aflaxay islamaarkaana dhamaystay dafcadii sideedaad oo ahayd ardaydii ugu badnayd ee  dhamaysa quraanka kariimka kuwaas oo isugu jiray wiilal iyo habloba waxa ay tiradoodu ahayd 30 arday kuwaas qaarkood dusha ka xafiday kitaabka quraanka ah qaarna ay qiraa’adiisa ama akhriskiisa barteen.

23

Madarasada shaadibiya ayaa waxa ay can ku tahay soosaarida xufaad tiro badan iyaga oo ardayda ka aflaxada ama ka dhamaysa quraanka ay dhamaantood wax ka tujiyaan masaajidada tirabadan ee ku yaala wadanka ingiriiska xiliyada lagu jiro bisha barakaysan ee Ramadaanta  waa salaadaha taraawiixda iyo tahajudka’e.

12

Haddaba xafladan loo sameeyay ardayda quraanka ka dhamaysay madarasadda shaadibiya ayaa ahayd mid aan nooceedu baryahaa ka  dhicin bariga magaalada London  waxaana ay ahayd mid ay dadweyne aad u tiro badani soo buux dhaafiyeen.

16

Xaflada waxa kasoo qayb galay culimada waaweyn ee Magaalada London, ardayda wax ka barata madarasata, haween iyo dhamaan bulshada qaybaheeda kala duwan oo ka kala yimi daafaha magaalada London.

21

Ardayda ayaa waxa ay soo bandhigeen khudbado ay ku akh riyeen afafka soomaaliga, carabiga iyo English,waxana ay kaga hadlayeen faa’iidada barashada quraanka.

7

Geesta kale ardayda quraanka dhamaysay  waxa la gudoon siiyay abaall marino kala duwan taasi ay ugu tala galeen maamulka madarasadda ee Shaadibiya.

2

Ugu danbayntii xafladan ayaa waxa ay ku dhaamatay jawi aad iyo aad u qurux badan, dadweynihii faraha badnaa ee  muunaasabada isugu yimi waxa si weyn u farax tigalisay sida quruxda badan ee ay caruurtu Quraanka u baratay.

Salaanmedia/London

24 10 14

15

1

Â