Daawo Sawiro…Wiil Dhalinyaro reer Somaliland ah Oo Meel Sare Ka Gaadhay Ciyaarta Kubada Cagta Heshiisna La Galay Kooxda Kubadda Cagta Ee Rizespor Oo Ka Dhisan Turkiga.

1 2

Wiil Dhalinyaro Ah Oo kasoo jeeda Somaliland Oo Meel Sare Ka Gaadhay Ciyaarta Kubada Cagta Heshiisna La Galay Kooxda Kubadda Cagta Ee Rizespor Oo Ka Dhisan Turkiga.
Liiban Cabdi Cali oo ah ciyaartoy Somali ah waxa iibsaday nadiga Rizespor FC oo ka tirsan Super Liga Turkiga. Waxay ka soo iibsadeen nadiga Academica de-coimbra oo ka tirsan Portuguese Primeira Liiga. Liiban wuxuu ka ciyaari jiray weerarka, Naadiyada uu u soo ciyaaray oo ay ka mid yihiin Sheffield United oo ah naadi Ingriisa ah, Liiban wuxuu ku dhashaay Magaalo Madaxda Gobolka Togdheer ee Burco Somaliland sanadkii 1988.
Liiban waxaa uu u tartamay in uu ku biiro naadiyo farabadan lakiin waxa uu ugu dambayntii door biday in uu ku biro oo uu u safto nadiga Rizespor FC. Ciyaaryahan Liiban Cabdi Cali ayaa heshiis 4 sano iyo badh ah la saxeexday Çaykur Rizespor oo ka mid ah kooxaha heerka koowaad ee horyaalka dalkan Turkiga ee Super Liiga, sida aan ka soo xiganay dad ku dhow dhow Ciyaartooyga ayaa noo xaqiijiyey in Libaan yahay nin dhalinyaro ah oo hees sare ka gaadhay ciyaarta kubada cagta.
Kooxda Rizespor waxay ka dhisan tahay Magaalada Rize halkaas oo ah Magaalada uu ku dhashay Ra’isul wasaaraha Turkiga Recep Tayyip Erdogan. Dhinaca kale mareegaha lagu kala iibsado ciyaartooyadda aduunka ayaa sheegaya in heshiiska uu Liiban la saxeexday kooxdan 13kii bishan, uuna socon doono illaa 30-ka Juun 2018,Liban Abdi Ali waa nin dhalinyaro ah oo ay da`diisu tahay 25 jir.Liibaan waxa uu noqonayaa Inankii ugu horeeyey ee dadka Soomaaliga ku hadla ugu horeeyey ee heerkaa ka gaadha ciyaaraha dalalka Yurub,waxayna u noqonaysaa dadka Soomaalida ah kudayasho wanaagsan. Dhinaca kale waxa jira ciyaartooyo kale oo dhalinyaro ah oo dalka Ingiriiska ka ciyaara oo dhawaan la filaayo inay soo shaac baxaan Hadii Illaahay yidhaahdo.
Xamse Axmed Salaan
London
www.Salaanmedia.com
a