Daawo: Wareysi Telefiishanka Al-Jazeera Ka Qaaday Marwo Edna Aaden “Somaliya Waxa Ka Jirta Argagixiso, Laakiin Somaliland Waa Nabad..”

(SM-London) – Marwo Edna Aaden Ismaaciil, ayaa Telefiishanka caalamiga ah ee Al-jazeera siisay wareysi dheer oo la xidhiidha hawlaha caafimaad ee ay ka waddo Somaliland iyo weliba dedaalada ay kula dagalaamayso gudniinka fircooniga ah.

Sidoo kale Marwo Edna Aaden Ismaaciil, ayaa wareysiga laga qaaday oo daafaha caalamka su’aalo laga soo waydiinayey ku sharaxday sababta ay Somaliland uga go’day Somaliya, nabadgalyada ka jirta Somaliland iyo mushaakilaadka hadda ka jira Soomaaliya.

Marwo Edna Aaden oo ka jawaabaysay su’aal  ku saabsanayd kala duwanaanshaha Somaliland iyo Soomaaliya, ayaa tidhi “Soomaaliya, waxa ka jira argagixiso, Budhcad-badeed iyo ammaan daro, laakiin Somaliland Waa Nabadgalyo”

Salaaanmedia/London