Dadkeenu sidebuu u arkaa hantida danta guud iyo ladagaalanka musuqmaasuqa ma u arkaan inay

(dadkeenu sidebuu u arkaa hantida danta guud iyo ladagaalanka musuqmaasuqa ma u arkaan inay shaqadoodu ku jirto ilaalinta gaadiidka qaranka)

Hadaynu ka hadalno hantida danta guud ee uu qarankan leeyahay way farabadan tahay waxaa kamid ah dhismayaasha, qalabka xafiisyada, iyo gaadiidka, intaas aynu ka hadalnay waxay kamid yihiin hantida guud ee uu qarankan leeyahay ee uu u hayo shacabkiisa sidii ay uwada ilaashan lahayeen uguna shaqayn lahayeen,

Hadaba ma nahay kuwa ilaashada oo sidii loogu talagalay uga faa idaysta dadkoodana ugu faa iideeya?

Jawaabtu waxay noqonaysaa maya oo qofka hantida qaranka gacanta ku hayaa ma ahan qof ka shaqeeya dayactirkiisa inkastoo ay jiraan kuwa guryaha hantida guud ku jira kuwaasoo  kaa faa iidaysta guryahana ilaashada iyagoo ka fakara adiga uunbay kugu danbayn ee sii hagaajiso gurigaa aad ku jirto.

Qalabka xafiisyada iyagu way sahlan yihin oo qofku waxa uu ogyahay inay yihin waxani wax fashilan oo aan la musuqmaasuqi Karin inkastoo ay jirto in meelaha qaar la musuqmaasuqo oo qalabka si kale looga faa idaysto,

Hadaba su’aasha la iswaydiinayaa waxay tahay hay’ada ladagaalanka musuqmaasuqa shaqadoodu ma ku jirtaa ilaalinta gaadiidka qaranka?

Dawladeenu waxay leedahay gaadiid farabadan oo ay ugu shaqayso  bulshadeeda hadaba gaadiidka dowlada iyo gaadiidka private ka side baa loo dhawraa.

Hadaan in yar ka hadlo kuwa private ka  waxaa wata kii lahaa oo ilaaliya kana shaqeeya,

Kuwan dawlada waxaa wada darawal la shaqaalaysiiyay oo ka mid ah shaqaalaha dowlada hadaba gaarigaa uu wato ee uu ku manaafacsado looguna talagalay inuu bulshada ugu shaqeeyo ayay in badan gaarigii  cusbaa ay ka furtaan qalabkii wanaagsanaa ee lagu soo iibiyay wax daba gal ahna laguma sameyo gaarigaa hadaad tagto xeryaha dowlada waxaa yaala gaadiid farabadan hadana cilada ay u fadhiyaaana ay tahay in markii darawalka gacagtisa ay gashay uu iibsaday birihii wanagsanaa ee gaariga uu lahaa dabeetana uu galiyo kuwa dug ah malmo kadibna uu fadhisto gaarigii cusbaa.

Hadaad tagto xafisyada oo aad in badan jogto waxad arkaysaa nin leh war gaariga ayaa iga bilaa saliiid ah ama iga bilaa taayar ah oo mas’uulkii xafiska haystayna uu leeyahay war miyuusan ahayn gaarigan kii aad malin hore saliida iga qaaday maxaa ka si ah ama taayaradii cusbaa ee lagu soo iibiyay meeye, hadalkaana halkaa lagama sii qaadi maayo.

Waxaa dhacday bari dhexdaas ah gaari ay lahayd dowlada hoose mid kamid ah leedahay isagoo cusub in taayaradii uu iibsaday darawalkii waday gaarigii lagu aaminay inuu kana shaqaysto dadkana ugu faa iideeyo dabeetana loo soo sheegay mas’uulkii haystay markaa xafiiska, isagoo gaarigii kale ee laga iibiyay iyo kii dowladu lahayd wada taagan goomistihii kashaqaynayayna lagu qabtay isagoo walibana samaynaya taayaradii cusba  galinayo gaarigii shicibka uu lahaa kii shicibkana ee duugoobay lagalinayo kii dowlada ay lahayd,

Waxaan aragnaa ama aanu maqalnaa in raashin la musuqmaasuqay la yiraahdo hay’adii musuqmaasuqa ayaa baaraysa oo dadbaa loo xirxiray , gawaaridii dowlada ay lahayd ee dadkan loogu shaqaynayayna aan ildheer lagu eegaynin hay’adu shaqadeedu waxay tahay musuqmaasuqa dhamaan meel walboo lagu sheego inay dabagal ku qaado inkastoo baryahaas aan lahayn shaqadeeda.

Halkana waxaan fariin ugu dirayaa wasirka arimaha gudaha cali warancade oo aan leeyahay si wacan ayaad u shaqaynaysaa shaqadaada dastuuriga ahna si wacan ayad u gudanaysaa intii yarayd ee aad wasaarada joogtayna waxbadan ayaad kusoo kordhisay  waxaan kaala dardaarmayaa gaadiidkan cusub ee aad kusoo kordhisay hay’ahada amniga in rag wanaagsanoo ilaaliya gaadiidkan laguna kalsoon yahay  loo dhiibo, kuwa  qaybaha iyo talisyada yaalana iyagana sidii loo kicin lahaa laagu fakaro

Guntii iyo gunaandka ka madaxwayna mustaqbal ahaan waxaan soo jeedin lahaa in gawaarida dowladaa dhamaantood qofka lagu aaminayo uu ahaadaa qof daacad ah, laguna abaalmariyo qofwalba gaariga siduu u dhaqaaleeyo, hay’adana ladagaalanka musuqmaasuqana ay gaadiidka ildheer u yeeshaan, wasaarada howlaha guudna ay amarto shaqaalaha waqtiga shaqada moyaane in waqtiga aan shaqada ahayn ay gaadiidku xafiisyada yaalaan,  

Dhammaantiin aad baad umahdasantihiin saxaafada madaxbanaan

Qalinkii|: Future president mohamed Osman

Email:awaadan5@gmail.com

Burao,Togdheer,somaliland