Dankale Ayaad Ka Ieedahay Ina Adan Dheriyow ee Ka Istaaq Furulayso Mahatma Gandhi Iyo Mandela Siilanyo Ma Gudee!

MAQAALDadka  dalka Hindiya ku nool ee diidan xaalada hanaan xumo iyo musuq maasuq ee dalkoodu galay  waxay samaysteen xaalad   cusub ooy cabshadooda ay ku gudbiyaan oonay dawlad  ugu aamusin sida wax loo wado iyna la aamusin cabashadooda taas oo ay tustay  in waxa ay tabanayaan la qaybsadaan Hogaamiyahii dalka xornimada u dhaliyay  ee Mahatma Gandhi, also known as the ‘Father of the Nation’.  Iyaga oo warqad u qoraya ay ku muujinayaan sida wax yihiin iyo gadaal wax uga xumaadeen waxii uu u soo dagalamay.
 
Dadkaa waxaa loo sameeyay sanduuq ay warqadaha ku ridaan tan iyo intii projectkaa la bilaabayna  waxaa bishii ku rida kumaanan qof oo cabashadooda gudbinya. Waxay noqotay rayi wacan oo dadka lagu xasuusinayo nololashii iyo kaalintii Gandhi ku lahaa  iyda oo qofku rayigiisa sida ay ugu muuqato ku muujinayo  oo qaar Gandhi raali gelin iyo xaal ka siinayaan sida wax yihiin iyo  halka qaar tabasho gaar ah qoraalkooda ku mujinyaan , halka qaarna qoraalkooda ku muujinayaan rabitaan ah in naftoodu rabto maanta  inuu dib ugu soo noqdo oo noolado kuwaas oo ah dad caqiido ahaan aaminsan “re incarnation” oo ah  qofku markuu dhinto meel kale iyo cid kale u dhasho,
 
Xushmada umadaa uu ka dhashay Gandhi u hayaan iyo taarikhdu  ma aha mid aan maqaalkan u qaatay se waa mid laga dheregsan yahay  se waxay tahay waxa laga yabaa waxa ugu badan ee maanta loo soo xasuustay sideetan, sagaashan iyo boqol sano bacdadeed ee hadal hayntiisu u timi beryahan saxaafada iyo warbaahinta intaa leeg ee uun waa  matalada ama misbaynta kaalin in uun u ka shabaho Gandhi Hogaaminyahii dhawaan dhintay ee Mandela ee South Africa  taasina waa mid umada taarikhda qortaa ka hoga tusaale iyo taarikh reebikarto .
 
Hadaba hadaan u soo guda dhaco maqaalkayga waxay madaxbadani dunida madow gaar ahaan isku  dayeen ama isku metalaan in umadan u  yihiin Gandhi iyo Mandela u soo baxay gaar ahaan Madaxda  madow ee jirdh ahaan is leh in uun baad isu jirtaan Gandhi iyo Mandela.  Hadaanay iyaga afkooda ka soo baxina ka soo baxaysa qaar ku caan ah oo makaroofandaloo dhiibo oo been ma sheegayaal ah.
 
Waxaa jira madax badan oo African ah oo ku hungoobay  isku metalidaa  iyo is barbar dhigaa in ay yihiin ragaa oo nool  meelo badana laga aqoonsday oo ceeb ka raacday iyda oo isbarbardhig yahay uun ama ka abuurmo isku kalsooni laan ah qofku waxa uu yahay ah ama afka qalaad la yidhaah inferoiry complex.
 
Tusaale yarna waxaan halkan idinka siinayaa halkay la xushay  isbarbardhig noocas ah  oday ka mid odayasha Nigeria oo ku metalay Madaxwaynaha dalkaa Goodluck Jonathan Mandela taas oo  saxaafada iyo dadku aad uga hadal celiyeen oo journalda dalku wax ka qoreen  aniga oo in yar kazoo qaadaya headlineskaa aniga oo in yar isu qabqabanaya .
 
Waxaa ka mid ahaa   
 
What a disgrace!   Yes he is the mandela  Thats why !
 
1. Thats why kidnapping has increased , thats why power supply has droped
 
2.Thats why he and his wife go for medical abroad ,thats why he gave presidential pardon to a thief , That why poverty has increased .
 
3. Did Madiba ever go abroad for medical attention like Jona and Dame Sheppopo always do?
 
4. Did Madiba’s wife close airports, roads and entire state where she go like Dame Sheppopo always do?
 
5. Did Madiba chase all assumed political enemies leaving his presidential duties like Jona is doing now
 
Ina Adan Dherow Xaal Sii Mahatma Gandhi iyo Mandela
 
Se waxan sina isu odhan Madax Somali ah  iyo qof Somali ah baa intaa gaadhi oo intuu  maanta meel soo istaago odhan   waxaan  ummada u metalaa Gandhi iyo Mandela ama nin wayn oo oday ah baa odhan AXMED SIILANYO IYO MAHATMA GANDHI MAXAY WADAGAAN kaas oo ahaa maqaal aan ku arkay maalmahan meeraga oo ku suntan oday wayn oo si uun la isu odhan lahaa da iyo waxbaa u soo joogay
 
Maxamuud Aadan Dheriyow Matalaada aad ku meteshay siilanyo inuu la mid yahay ama la taariikh yahay halgamaagii reer hindiya Mahatma Gandhi waa mid aan meeshiisii dhicin arikaasina aqoon kaagama aha ee macno kale ayaa meesha ku jira!!,
 
Hadaad tusaale u soo qaadatay markii mahatma Gandhi ingiriiska looga yeedhay ee lala kulan siinayay boqorkii markaas xukunka boqortooyada hayay si xoriyada dalkiisa loo siiyo ee layidhi suudhkan sooxidho ee uu yidhi reer hindiya oodhan miyaa lasiiyay ee layidhi maya ee uu yidhi hadaba labadayda go ayaan xidhanayaa mar hadaan umadayda oodhan la siinayn taas bedelkeeda Madaxweyne siilanyo markuu SNM hogaanka u hayay laba garab ayuu u kala jebiyay SNM oo la kala baxay calan cas iyo calan cad waana tii uu socon waayay halgankii aynu dad iyo duuyoba ku seeganay!
 
Waatii xilkii SNM laga qaaday ee loo dhiibay C/raxmaan Axmed Cali ( tuur) IHN ee uu mudada 6 bilood ah dalka ku qabtay ileen wax kale ayaan u qarsoonayne!, Khilaaf kii uu SNM kazoo dhex abuuray waatii gudaha dalka lala soo galay ee ay socon wayday xukuumadii ugu horaysay ee loo magacaabay c/raxmaan tuur iyo mujahid xasan ciise ee siilaanyo koox diisii calan cas ta ahayd is hortaageen!,
 
Waatii dagaalkii sokeeye ee uu burco ka bilaabay 1992 kii kadib markii uu wasiiradii beeshiisa kasoo jeeday uu kala baxay xukuumadii C/raxmaan tuur IHN ee uu ku dhintay walaakii ina bureeqa IHN,
Maanta oo uu xilka umada reer Somaliland uu hayo muxuu soo kordhiyay aan ahayn cabudhin saxaafad dalkii oo hanaankii xisbiyada dib uga guuray oo beel waliba wax baa iga maqntaas hayso ileen isaga ayaa shirkii garadag kasoo bilaabaye!. Imisa muwaadin oo mudaharaad silmiya wada ayuu xabad ku dilay oo ifka iyo aakhiroba loo haystaa!,
 
Sowkan doorashooyinkii dalka dadkii nacsiiyay ee sida qaawan ugu shubtay ma qof danbe oo codaynaya ayaa jiraya!
Sowkan taladii loo doortay qoyskiisa iyo shakhsiyaad gaara oo dalkii qaaq kaga siiyay uu ku ururiyay!
 
Sowkan dadkii iyo dalkii midaysnaa ee madaxweyne riyaale ku wareejiyay kala daatay ee reerba reer hubka u sito!
 
Sowkan musuq maasuqu xadhkaha goostay ee dekedii uu ina xoor xoor shaly ka eryay dib uGu soo ceshay! waana kii kaanbaynka ku galay hadaan xilka qabto total iyo jaabiri iyo ina xoodh xoodh daaqada ayaan ka saarayaa show awrkiisa ayuun buu ku kacsanaayay ee dalka iyo dadka wax umuu qabanayn!
 
Sowkan wasiirada la reerka ah ee wasiir hanad iyo ka macdantu iyo xirsi gab midba khiishka sito ee weliba ay buuxin waayeen markay xoolihii umada meelwalba iska dhigeen ee midi madaarada liqay midina macdantii dalka iyo shirkado midina wadooyinkii iyo gaadiidkii iyo xoolihii xeer u samaystay waxaasi miyaanay kuu muuqan mise waad badheedhaysaa sowtan aan cimri kuu hadhin maxamuud aadanow miyaanad ilaahay SWT ka baqayn ma kanaad mandela iyo Gandhi ku matelaysaa?
 
Sowkan ragii lasoo dhintay ee aaminay ee xisbiga kulmiye lasoo dhisay uu mid midka u cunay ma ragbaa kuu nool mee Ina c/qaadir, mee Tolwaa, mee Ibraahin dhegaweyne, ma ragbaa kuu nool ee waliba hada hanbadii hadhay midiyaha u lisanaya!,
 
Sowkan!sowkan hadaynu caawaba wadno maba soo oodmayo waxaan ku leeyahay oday weynbaa gobolka iyo dalkaba lagaaga yaqaane ka istaaq furulayso afku yaanu kucadaane! adba daacad kaama aha oo waad ogtay in siilanyo Somaliland khayr u horseedin ee shar la kowsaday! odayga runta usheeg raga nurtu way ka nixisaa ee wax ma yeesho baa layidhi
 
 
Farax Colow Maxamed 
 
Academia 
Norway Oslo