Dar Allee shan midablow ninka duubka kaalulay derojooyin kugu taxay kaadhigay

Dar Allee shan midablow ninka duubka kaalulay derojooyin kugu taxay kaadhigay ragdoorkii dabin looma qoolee ha deg degine caga dhigo!
MAQAAL 
hadaynu soo qaadano tudco kamida maasadan uu curiyay abwaan axmed aw geedi ee garbo-diir oo la odhan karo waa maanso aad iyo aad u baaxad weyn oo xitaa kamiisaan culus deelaydii hore inoo soo martay markaad eegto murtida, midhaha, maah maahda ku jirta iyo inta ay baaxad le-eg tahay maansadu waxay ka turjumaysaa waaqica siyaasadeed ee Somaliland kajira waqtigan aynu joogno iyo heerka hogaamineed iyo ka siyaasadeed ee madaxweyne siilanyo dalka iyo dadka ku dhaqaayo cadaaladiisa eexdiisa nin jecleysiga xadhkaha goostay! abwaanku maansadiisa cidna kumuu magacaabin laakiin dhaqanka suugaanta ayay kamid tahay in si guud looga turjumo hadba waxa ay dareemayaan bulshada ay ku dhex noolyihiin,
 
dar allee shan midablow rag sidaada deli dhacay 
dibso lagala ayn go-ay daruur mooday dhalanteed 
haab haabtay dunidaba degta inay ku qaataan 
kibirkiyo durduradii muxuu daansho daanshuhu 
dayn iyo jardheer iyo daadeys ka raariday!
 
waxa uu abwaanku tuducdan aynu kor ku xusnay kumuujiyay dardaaran aad iyo aad u balaadhan oo uu uga digaayo duqa inuu wax ku qaato kuwii ka horeeyey ee dunidan soo maray ee xukaamta ahaa ee weliba ku kibray iyo waxa ay aakhirkii ku danbeeyeen tusaale ahaan sida sadaam xuseen oo la ogaa awooda uu ciraaq ku lahaa iyo aakhirkii halkuu ku danbeeyay oo ay weliba ay sugayso xisaabtii allah , qadaafi oo isna aynu la wada socono inuu 40 sano in kabadan libiya xukumaayay aakhirkiina shicibkii uu ku dulsocon jiray ay gacantooda ku dileen! hadii ragaas la tiriyo wax lasoo koobi karo maleha marka laga soo bilaabo waqtigii nabi nuux CSW qofkii caqli leh ee ilaahay SWT uu cidhib fiican u reebayo ayuun baa wax ku qaata,
 
dar allee shan midablow ninka duubka kaalulay 
dero jooyin kugu taxay kaadhigay ragdoorkii 
dabin looma qoolee ha degdegine cagadhigo
nabsi haw fariin diran haw yeedhan daay-iro 
dibna hasu qolof ridin!
 
tuduc dani waxay sigaara farta ugu fiiqaysaa sida uu uga abaal ka dhacay madaxweyne siilanyo shacabkii codkooda siiyay ee 100% 54 kudoortay oo uu markuu kursigii fuulay tacabkoodii kadhigay hal bacaad lagu lisay! sidoo kale siyaasiyiintii habeen iyo maalin u ordaayay inuu maruun madaxweyne siilanyo xukunka qabto ee ku soo tabcay ee kulmiye ahaa oo iyana markuu awrkiisii ku kacsaday uu cidla kaga dhaqaaqay kuwaas oo aanu nin kaga soo darin xukuumadiisii ugu horaysay waxa ragaas kaga sii hadhay gudoomiye muuse biixi iyo maxamed kaahin oo iyana dalow kasii laalaada! waxay tuducdu tilmaan u tahay abaal la-aanta lagu sheeyo madaxweyne siilanyo!
 
dar all shan midablow dulmi haw qareen noqon
xaqna haw dardaar werin ha galaafan ducafada
haku digan agoomaha ha durqiyin masaakiin
kadibarayna booliga deeq hawgu sii ladhin!
 
tuducdan kale waxay dar daaran u tahay duqa oo ay u sheegayso in dulmigu aanu ka raagin meesha lagu galo waqti kastaba hanoqotee  xaqdaro kasta oo lagu socdo uu aakhirka xaqu yimaad  waxa uu nabigu yidhi SCW iska ilaaliya dacweda madluunka! mushtamacan uu masuulka ka yahayna waxaabay u badan yihiin dad ducafo ah oo aan xitaa nolol maalmeedka helin iyo agoon ilaa SNM is daba joogtay oo aan weligeed wax loo qaban oo sugaayay maalinta uu siilanyo xilka qabto oo is lahaa malaha isaga ayuun baa garan kara xuquudaad dalka ku leedihiin oo iyana ku hungoobay! waxay kale oo tuducdu tilmaan u tahay sida eexda iyo qaraabo kiilka ah ee madaxweyne siilanyo wixii umada ka dhexeeyay uu cid gaara ugu xidhay weliba intii wax haysatay ee qoyskiisa kazoo jeeday!waatii deelaydii ay ku jirtay ninka diba qalay ee kadibiray casuumay ee dibjirkii ka qadiyay duco kuuma soo hoyan!,
 
dar allee shan midablow diintana ha caasiyin 
ha dafirin illaahbaa dulbadni iyo naxariis galadiisa daadka ah
kugu daajinaayee dhinacaaga dogob iyo dumayo iyo naar
dunqulaadna haw hurin naftana meel u daran iyo haw deeyrin guri baas!
 
tuduc dani waa dar daaran alleh ka cabsiya oo uu abwaanku uga digayo adayga aakhiro cimriga jooga inuu aakhiradiisa ilaashado oo xisaabtii ilaahay ay sugayso SWT qof iimaan leh oo naxariisi ku jirto ayaa ilaahay SWT iyo aakhiro ku xasuusiya laakiin ka munaafaqa ah weligii run kuu sheegi maayo xitaa markaas waxa xukun kaaga ka khaldan ku odhan maayo halkaasaad ka liidataa ee iska hagaaji iyo waxaasaa kaa khaldan inta uu ku kool kooliyo ayuu maalinta uu arko inaad sii liicayso waxa uu ku odhanayaa bal dayaay waakaas wadaadkii sii dabayshadaye! sidii shaydaankii bani aadamka ku kufriyi jiray marka uu duufsado ee ay jahanama salkeeda ku qabsadaan ee ay yidhaah daan adiga ayaa naduufsaday oo cadaabka noogu wacan waaka leh aniga haycanaanina ee idinku is canaanta ilaahay na waa idiinyeedhay oo waad diideen ana waan idiin yeedhay oo waad I ajiibteen!
 
dar allee shan midablow nabad iyo degenidaa
lagu kala danbeeyaad adiguba ku darartee 
bal u fiirso dacalada docahaaga qaar eeg 
dugayeeyda dhiilada sida loogu dabar go-ay 
diris aad ka baratide!
 
tuduc dani waxay tilmaan u tahay sida dalkii somaliya la odhan jiray ee Somaliland deriska la ah uu 23 sano u degi la yahay ee laysugu qalanayo ee aanu weli dhadhaweyn Somalilandna intaas nabad iyo harumar ku naaloonaysay aanay tahay wax ilaahay loogu xamdiyo alxamdu lilaahi waana mid wax ku qaadasho mudan waxaanay ku timid ileen sigaara ilaahay SWT uma nebcee waxa maasha yaal xaqdaro biirtay oo kii xooga badnaa kii diciifka ah uu dulmaayo iyo cadaaladii oo meesha ka baxaday xaqii oo laga tegay markaas abwaanku waxa uu leeyahay wax ku qaado deriskaaga adiga oo meeldheer ba aadin! waxa hore loo yidhi qofka fiican waaka wax ku qaata dhibaatada walaalkiis soogaadhay! 
 
 
dar allee shan midablow ninka dhagax dixeed iyo dun dumooyin
la hadlaa dux ka gaadhi maayee salax erey madeeqee doocaagu ba-anaa
bal maruun digiigaxo hala guu duceeyee!,
 
hadaynu ku soo xidhno tuducdan waxay tilmaan u tahay  dhegihii ilaahay waaniyo ayaa waansan ( wa taciyihaa udunun waaciyan) qof meel baas looga yeedhayaa wax ma maqlo oo hadalka kiisa fiican ma qaato waa kii abwaankii weynaa ee tima cade lahaa dadkaan lahadlayo ayaan lahayn dux iyo iimaane waxaad moodaa inuu abwaanku quus ka joogo in duqa laga helo in uu maruun cadaalada dib ugu soo noqdo oo wixii uu hore u khalday dib u saxo
in qof caqli lihi wax ku qaato abwaanku waa sheegay ee ilaahay ha garansiiyo ayaynu leenahay.
 
aadan axmed nuur  
Â