Dawlada Somaliland Haddu Horumar bay horseeday: Waa Maxayse Dheeliga jiraa?

 

 ahmed ciise

Part3:Dawlada Haddu Horumar bay horseeday: Waa Maxayse Dheeliga jiraa?

 

Maqaalkani waxan uu ka mid yahay maqaalo taxana ah oon kaga xoogg warami doono wixii aan ku soo arkay Somaliland mudaddii aan boqashada gaaban ku joogay – 29 November  to 28 December 2013. Maqaladaasi waxaan halku dhag uga dhigay –  Maxaa Somaliland Dabar iyo Seeto ku ah horumarkeedda?

 

Maqaalkani waxaa uu ku doodayaa in dawlada  hadda jirataa dalka u horseeday horumar balaadhan  intay talada dalka ay caynaanka u haysay. Dhinaca kalena, ay dul hogaynayso dhaliilo togan oo ay ka mid yihiin kutumashada xuquuda aasaasigga ee muwaadinka sida, iskudaygii dil ee lagu kacay tafatirihii Hubaal ee danbiilihii fal danbiyeedkaa gaystay aan caddaalada la horkeenin balse la sii daayey. Maqaalkani wax uu hadaba isdultaagayaa doodan saldhigeedu yahay guusha iyo guul darada xukuumada hada oon ku rimindoono (inseminate) argtidaydda siyaasiga ah een mudo kor u dhaafaty 14 sanno aan kaga midka ahaa maddaxda asxaabta mucaaridka Somaliland, aqoontayada la xidhiidha cilmiga bulshada (amabse raad baradka aadamaha iyo raad raacisa) iyo socodaalkayggii aan dalka kutagay sidaan kor ku xusay. Hadaan ku horeeyo:

 

  1. 1.       Horumarka ay xukuumadda hadda ay u horseeday dalka

Horumarka waa dhinacyo badan yahay ama waa bad (development is multi-dimensional) balse maqaalkani waxa uu si guud uga xog waramayaa  horumarka ay xukuumada hadu ku talaabsatay. Waxaana tusaale u cuskanayaa,  saddexda wasiir ee  ay wasaaradahoodu yihiin kuwa ugu muhimsan ee ku xidhan horumarka (inextricably interwoven with developments). Kuwaasi waa wasiirka Maaliyadda, Cabdicasiis Maxamed Samaale; wasiirka Arimaha Guddaha, Cali Waran Cadde  iyo wasiirka Arrimaha Dibaadda, Maxamad Biixi Yoonis. Saddexdaasi wasiir waa haldoorkii bulshada Somaliland. Haddaba haday dawalda hadu ragan kartida baddan keentay miyaan la oran Karin dalka wadaddii cadayd ayaa cagat loo saaray ee ina gaadhsiin lahyid, nabdagalyo buuxda oon aynu kor uga foofno qabyaaladda, dhaqaalaha dalka oo kora (economic growth) ka soo horseedi doono shaqo abuuris  iyo dalka oo aqoonsi buuxa ka hela bulshada caalamka?

 

Hadaan qodobadaasi midba goonid  xooga u saaro. Hadaan ku horeeyo, horumarka ii muuqday ee ku nasbayn karo dawlada hada jirta, waxa ay indhahaygu qabsadeen markii aan ka soo dagay garoonka Hargeysa oo ahyid markii igu horaysay mudo  shan sanno. Markaan Hargeisa ka soo dagayba, waxa ay qortu ku jabaysaa daawashada  dherarka quruxda badan ee Hargeisa Airport oo runtii isbedal wayn oo mug leh ka muuqdo, sida dhismayaasha – Airport terminal, qalbka airport ka iyo parking. Runtii waa horumar wayn oo dawlada hadu ku talaabsatay oon iftiinkiisa sacabada lagu qarin karin.

 

Dhinaca kale dalka iyo magaaloyinka, sida Hargeeysa oo kale waxaa ka muqda wadooyin cusub oon dalka aan ka  jirin shan sano hore oo tiro badan oo magaalada Hargeeysa iyo magaalooyin kale ee dalka bilicdooda kor u qaday. Inkastoo dhinac kalena kuwii hore u jiray dayac wayni ka muuqdo. Hadaan, hadaba horumarka xukumada hadda ku sawiro saddexdaa wasaradood, bal mid walba ceelka gunta han ugu dhaco:

 

  1. 1.       Wasaaradda Arrimaha Guddaha (Marka dalka laga eegayo dhinaca Nabadgalyada)

Dalka nabadgalayaddiisu waa 100%. Wasiirka arimaha guddaha ee Somaliland, mudan Cali Waran cadde, waa nin leh karti, jecelna dadkiisa iyo dalkiisa kana soo biixi kara masuuliyada dalka ugu miisanka culus ee loo igmaday ee ah suguda aminga qaranka. Mudaddii aan joogayna wax nabadgalyada xuma ah oo ka dhacay dalka may jirin.

 

Muadane, Cali waran Cadde, Waxaa lagu xusaa inuu kor u qaaday amniga dalka,  islamarkaana hayadaha aminiga ku qalabeeyey  agabkii ay u baahnaayen inay ku gutaan sugida aminga qaranka. Waxaa marka aad casiimada aad joogto indhahaagu ay  markaaba ku dhacayaan gawaadhida gurmadka deg deg ah  ee quruxda badan ee 999. Guudahaan nabadgalayada dalku waa wax lagu – farxo, waxayna ka turjumaysaa maqaal aan Raysal Wasaraha Dalka Ingriiska u qoray. Guji halkan http://halbeegnews.net/2013/10/08/an-open-letter-to-the-british-prime-minister-his-excellency-mr-david-cameron-by-ahmed-issa/

 

Dhaliisha wasaraadda:

  1. Dhalisha dawlada hadda iyo wasaarada waxaa lagu xusaa dhacdaddii foosha xumaa ee iskudaygii dilka lagula kacay, Tafatirihii wareagyska Hubaal.  Danbiilihii fal danbiyeedkaa kula kacay oo   ahaa askar ka tirsan ciidanka Booliska lama horkeenin cadaalada balse si badheedh ah ayaa loo sii dayeey. Kani waa danbigii ugu dhagaraysnaa oo xukuumad Somaliland soo martay ay abid kula kacdo muwaadin.

 

  1. 2.       Wasaarada Arrimaha Dibadda (Marka laga eego dhinaca aqoonisga dalka)

Dawlada hadda, markaa aad iskaga eegto muraayada arimaha dibada waxaa ka go’an inay dalka kaga dhabayso inay gaadhsiiso aqoonsi buuxa oo aynu ka helo bulshada caalamka. Wasiirka cusubna waa nin shacabiga Somaliland aad u jecel yihiin oo leh kartideeddii iyo aqoonteediba inuu ka midhadhaliyo hamiggan ah in aan aqoonsi buuxa caalamka aynu ka helo.

 

Dhaliisha Wasaarada (dhina citiraaf raadinta)

  1. Wadda hadaladdii Soomaaliya oo noqoday ma dhalays, iyo dawlada Soomaaliya oo cod dheer ku dheer ku sheegtay in-aanay marna caqbali doonin gooni isgu taaga Somaliland;
  2. Dawlada Turkiga oon marna iyadu raali ka ahayn gooni isutaaga Somaliland, islamarkaan mawqifkeeda mar hore sidaasi ku cadaysay; iyo
  3. Wadahadaladeena Turkiga u leexday oo loo arko inay Somaliland maqaamkeeddii citiraaf raadinta hoos u dhigay loona baahanyey aragti cusub

 

  1. 4.       Wasaaradda Maaliyada

Sidaan kor ku xusay, mudane Cabdicasiis Maxamed Samaale. Waa wasiir karti iyo hufnaan wayn leh. Waxaa lagu xusaa inuu wasaaradda gaadhsiiyey meel sare, korna u qaaday dakhligii wasaaradu soo xarayn jirtay. Taasi waxay ku tusinaysaa inay wasaaraddani kor u qaaday soo xaraynta dakhliga, taasina inay horseeday inay dhalin aad u badan laga shaqaaleyo wasaaraddaha kala duwan (because you could  improve livelihood when you have modest economy growth). Waana mid shacabiga Somaliland ay tageero wayn u hayaan siyaasada kordhinta dakhliga dalka ee Mudane CabdiCasiis Samaale:

 

 

Dhaliisha wasaaradda

Wasaarada oo cashuurtii ku waajibtay ganacsatada ka qaadan,siba:

  1. Ganacsatada isgaadhsiinta, Baangiyada iyo  warshadaha, waxaan laga qaadin cashuurta saxada ah ee ku waajibtay ilaa 30% macaashka ay sameeyan (corporate tax);
  2. Hotelada waawayn, resturants, bakhaarada, dukaamada waawayn oo  aan laga qaadin 17.5% VAT (value added tax) iyo iyadoon daba gal lagu sameeyo iibkooda. Islamrkaana anay jirin haydo dabagal ku sameeya  (tax enforcement agency) oo  ganaaxi kara ciddi lagu helo wax isdaba marin si (fuddling with their sales revenue to commit tax invasion) ay cashuurta ula baxsadaan; iyo
  3. Xawaaladaha oo aan iyan wax cashuura oo sax aan bixin. Waxay ahyid in ay bixiyaan 30% macaashaka ay sameeyan. Habka SAAD ka ee iibka oo haba yarate  dawladu cashuur ka qaadin (the government should have secured 17.5% of Sales transection on SAAD mobile phone payments)

 

 Gunaanadkii

Dawlada hadu dalka horumar balaadhan bay dalka gaadhsiisay islamarkaan sidaan kor ku xusay wasiiro ah haldoorkii Somaliland ayey hogaanka dalka u igmatay. Taaso hoosta ka xariiqaysa inay ka ka go-an tahay in dalku horumar u gaadho. Shacbiga ayaa marka aad ka waraysato dawlada hadda ka markhaati kacay inay tahay dawladdii ugu waxqabadka badnayid ee dalka soo marta.

 

Dhinaca kalena, dawlada hada ayaa waxay si xun uga dheeliday xadgudbyada  ay kula kacdo shacbiga, sida iskudayggii dil ee lagu dhawaacay, tafatirihii wargayska Hubaal ee waliba danbiilihii falkaa ku kacay la sii daayey, ku tumashada xuquuda muwaadinka iyo tacadiyada saxaafada.

 

Mahadnaq: Waxaan halkan uga mahad celinayaa mulkiilaha Crwon Hotel – Engneer Cismaan Cabdillahi Cigaal iyo xaskiisa Hinda Cabdi Muuse oo si wayn igu soo dhaweeyey Hotelkiisa Crown Hotel. Crown Hotel waa Hotel Hargeisa Bilicideedda waxa wayn ka ku soo kordhiyey kuna yaal sabbo aad u wanaagsan. End.

 

NB: What we should and could not expect or hear from our politicians and government:

  1. This government has turned all its clansmen into millionaires. This was a statement made by an opposition parliamentarian called Rayte (source http://waaheen.com/?p=22014) – it was a reckless and irresponsible comment.
  2. The government has released without bringing into justice a plain clothed police officer who has shot and wounded a journalist in his workplace in Hargeisa. The attempted murderer was said to be in collusion with officials as he should not otherwise have got it away with the crime . With  this  heinous crime, the people of Somaliland want to have answers from their government.

The people of Somaliland expect their politicians  of both political spectrum  to act responsible ,  and the state to protect  the rights of citizens granted in the constitution.

 

Finally, I support Somaliland and Somalia talks as  a step towards the right direction that is a roadmap to get Somaliland fully recognised and have full confidence in Somaliland’s foreign policy

 

Axmed Cabdi Ciise

Academic in Social Science

 

What is your thought on this article, please email me your comments directly to: isseahmed@hotmail.com