DAWLADDA TURKIGA OO KA HADASHAY WADAHADALKII SOMALILAND IYO SOOMAALIYA

Daawo Video.. Shirkii Turkeyiga oo soo gaba-gaboobay iyo g’aamo laga soo saaray.

Mr. Ahmet Davutoglu waxa uu tilmaamay in dhismaha xoghayn cusub oo wadahadalku yeesho oo fadhigeedu yahay Turkigu ay ahayd mid aad loogu baahnaa, “Turkigu waxa uu sii wadayaa inuu taageero qorshaha lagu heshiiyey,” ayuu yidhi Mr. Ahmet.

Istanbul (SM)- Dawladda Turkiga oo martigelisay wadahadalkii toddobaadkan ay heshiiska ku gaadheen Somaliland iyo Soomaaliya, ayaa ka hadashay natiijada soo baxday iyo qorshaha sii so-coshada wadahadallada labada dhinac.

 

Wasiirka Arrimaha Dibadda Turkiga Mr. Ahmet Davutoglu, ayaa ku hambalyeeyey labada wefti ee ka kala socday Somaliland iyo Soomaaliya heshiiska gaadheen ee ku saabsan sii socoshada wadahadalka.

 

Sida lagu faafiyey Wakaallada wararka ee Anadolu Agency Wasiirka Arrimaha Dibada Turkigu waxa uu telefoon kula xidhiidhay kadib wadahadalka labada dhinac wasiirrada kala hoggaaminayey labada wefti oo kala ah Wasiirka Arrimaha Dibadda Somaliland Md. Maxamed Biixi Yoonis iyo Wasiirka Arrimaha Gudaha Md. Cabdikariim Xuseen Guuleed oo uu ugu hambalyeeyey is fahamka ay gaadheen.

 

Mr. Ahmet Davutoglu waxa uu tilmaamay in dhismaha xoghayn cusub oo

 

wadahadalku yeesho oo fadhigeedu yahay Turkigu ay ahayd mid aad loogu baahnaa, “Turkigu waxa uu sii wadayaa inuu taageero qorshaha lagu heshiiyey,” ayuu yidhi Mr. Ahmet.

 

 

Waxa kale oo warka wakaallada Turkiga lagu baahiyey lagu sheegay in labada wasiir ee Somaliland iyo Soomaaliya – Maxamed Biixi iyo Cabdikariin Xuseen – uga mahadnaqeen Wasiirka Arrimaha Dibadda Turkiga doorka muuqda ee uu ka qaadanayo wadahadalka labada dhinac.

Salaanmedia/Hargaysa