DEG DEG: Sheekh Xasan Daahir Aweys laga sii daayay Xabsi kuyaala Magaalada Muqdisho Halkee la geeyay? (Akhri)

aways

Waxaa soo baxayay Saacadihii lasoo dhaafay Warar Sheegaya in Hogaamiyihii Ururkii Xisbul Islaam kana mid ahaa Saraakiisha sar sare ee Al-Shabaab sheekh Xasan Daahir Aweys laga sii dayay xabsi ay leeyihiin Ciidamada Nabad Sugida oo kuyaala Magaalada Muqdisho lana dajiyay hada guri gaar ah.

Sheekh Xasan Daahir Aweys ayaa mudo bilooyin ah waxa uu ku xirnaa xarunta ugu weyna ee Hay’ada Nabad Sugida ku leedahay Magaalada Muqdisho kadib markii uu kasoo baxsaday Al-Shabaab iskuna dhiibay Maamulka Ximin iyoXeeb.

Afhayeenkii dhinaca Howl gallada Ururkii Xisbul Islaam Max’ed Sheekh Cismaan Caruus ayaa mid kamid ah Idaacadaha Muqdisho u sheegay in Sheekh Xasan Daahir laga saaray Xabsiga Hay’ada Nabad Sugida ku leedahay Magaalada Muqdisho iminkana la dajiyay guri gaar ah oo kuyaala Magaalada.

” Sheekh Xasan Daahir wali Xur maahan laakin waxaan idin xaqiijin karaa kaliya in laga soo saaray Xabsigii ay lahaayeen Ciidanka Nabad Sugida hadana la dajiyay guri gaar ah ay ku ilaalinayaan Ciidamo katirsan Dowlada ” ayuu yiri Caruus.

Warar kale aan helnay ayaa sheegaya in Sheekh Xasan Daahir Aweys la dajiyay guri kuyaala Agagaarka Xarunta Madaxatooyada halkaasna ay ku ilaalinayaan Ciidamo katirsan Nabad Sugida oo loo xil saaray ,iyadoona la tilmaamayo in hada Sheekh Xasan la galiyay Xabsi guri .

Dowlada Soomaaliya ayaan wali si rasmi ah u shaacin in Sheekh Xasan Daahir laga soo saaray Xabsigii uu ku xirnaa lana dajiyay guri gaar ah , waxaana la filayaa in saacadaha soo aadan soo baxaan warar Dheeraad ah oo ku saabsan arinta Sheekh Xasan Daahir.

Salaanmedia/Mogdisho