Dhacdo Iga Yaabisay: Hanti-dhawre Xadhig Ugu Hanjabay Masuul Dawladeed Oo Uu Laaluush Ka Doonayay Qore:- Siciid Maxamuud Gahayr

Dhacdo Iga Yaabisay: Hanti-dhawre Xadhig Ugu Hanjabay Masuul Dawladeed Oo Uu Laaluush Ka Doonayay Qore:- Siciid Maxamuud Gahayr

SICIID-GAHAYRWaxa ay ahayd Jenewari/14/2014ka, goorsheegtuna waxa ay ku beegnayd 09:00 caweysnimo. Madasha aan ku sugnaa waxa ila joogay Maxamed-Siddiiq Cismaan Daahir oo ah madax-goobeedka kastamka cashuuraha Galbeedka Hargeysa oo ah masuul dhawaan xilkan loo magacaabay oo labanlaabay dakhliga ka soo xerooda bar-maamuleedkan oo hoos-yimaadda dawladda Hoose ee Caasimadda Hargeysa oo aanu arrin wada lahayn, Annaga oo joognay kob u dhaw dawladda Hoose ee Hargeysa.

Waxa noo yimi Sayid-Cali Cabdiraxmaan Axmed oo Xoghaye ka ah Xafiiska Cali Bilyan Agaasimaha Hanti-dhawrka Qaranka Somaliland oo isagana aanu hawl gaar ah u ballansanayn. Ma garanayo wax hore oo ka dhexeeyay, laakiin waxa aan ogahay inuu Sayid-Cali Cabdiraxmaan Axmed oo hanti-dhawrka ka tirsani damacsanaa qorshe gef ah. Markii uu arkay masuulka maamulka u ah kastamka Galbeedka Hargeysa ee ila joogay, waxa uu hanti-dhawruhu darandoorri u bilaabay hadallo aan laga fiirsan, milgahana ka arradan oo deelqaaaf ku ah sumcadda iyo xilka xafiiska hanta-dhawrka ee uu ka tirsan yahay.

Waxa uu weedhihiisa ku iba-furay hanjabaad iyo inuu xabsiga u dhaadhicin doono masuulkan dawladda hoose isaga oo ka faa’iidaysanaya awooddiisa hanta-dhawrenimo isaga oo u qiil samaynaya laaluush uu rabay. Waxa uu yidhi “haddii aanad waxayga (laaluush/baad) meel saarin waan ku dhaadhicin oo jeelka ayaan ku dhigi”. Yaab hanta-dhawrkii u xilsaarnaa ilaalinta maaliyadda ummaddu ma waxa uu noqday dhangad lagu garaaco cidda laga rabo laaluush iyo lacag xaq-darro ah? Ma hanta-dhawr baa mise waa hanti-lumis?. Aniga oo ka tirsan Dawladda Hoose ee Hargeysa, waxa aan dhex-galay arrinkii. Waxa aan ka codsaday masuulkii loo hanjabay in aanu jawaabin.

Waxa aan ku idhi “hanti-dhawre, ma kula tahay inaad magaalada nabad ku sii joogi doontid, adiga oo ku takri-falay awooddii qaranka, oo xabsiga dhigay qof aan waxba galabsan oo aad laaluush iyo baad ka doonaysid?”.. Waxa aan hadalka sii raaciyay “haddaad sidaas samayso oo uu iska kaa celin waayo isaga ayaan wax jira ahayn”. Hanti-dhawrihi waxa uu sii waday hanjabaaddii, waxaanan kala tagnay iyada oo uu wacadkaasi noo xidhan yahay.

Waxa aan ku ogaa madaxda hanti-dhawrka qaranka, gaar ahaan Md Maxamuud Aw Cabdi Ibraahin Hanti-dhawraha Guud ee Somaliland iyo Cali Bilyan Agaasimaha Hanti-dhawrka Somaliland laba nin oo sharaf leh oo neceb musuqa iyo laaluushka. Waxa jirtay xilliyo ay baadhis ka samaynayeen xarumo dawladeed oo raggii la eedaynayay ay yidhaahdeen “baadhista naga daaya oo gawaadhidan qaaliga ah kaxaysta” waa ayse diideen iyaga oo u naxaya dalkooda iyo dadkooda, iyaga oo u tudhanaya aakhiradooda, iyaga oo ixtiramaaya shaqada ay qaranka u hayaan, iyaga oo gudanaya waajibaadka ay qaranka u hayaan ee uu Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland Mudane Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) u igmaday.

Waxa ay weydiintu tahay:

1.Hanti-dhawrka qaranku ma la socdaa shakhsiyaadkan ka tirsan xafiiskooda ee baabiinaya maamuuska hanti-dhawrka qaranka?

2.Marka ay falalka noocan ah ku kacayaan ma hanti-lumis, dhac-doon, lacag-boob iyo dulin baa mise waa hanti-dhawr gudanaya shaqada lagu aamminay?

3.Haddii aanu hanti-dhawrka hore u siinnay shahaadado-sharaf ah siday horraantii dawladnimada u dhawrayeen maaliyadda iyo cashuurta shacabka laga qaado, imaka ma mudan yihiin in la siiyo shahaadadii musuqmaasuqa, haddii aanay wax ka qaban boobkan aan maragga u wada nahay?

4.Masuulka falkan ku kacay ma dallacaad ayay ku siin doonaan falkan gurracan, mise tallaabo sharci ayay ka qaadi doonaan?

5.Madaxda hanti-dhawrku ma iyaga ayaa awood buuxda siiyay qofkan shaqaalahooda ah, waxa uu samaynayaana waa gardarro garab og?

6.Sidee buu qofka dawladda u shaqaynayaa ku noqonayaa aammin hab-san u adeega, haddii hanta-dhawrku dubbe la dul taagan yahay isaga oo aan waxba galabsan?

Aniga oo xidhiidh aqooneed la leh madaxda hanti-dhawrka waxa aan maqaalkan u dhigay warbaahinta si ummaddu ula socoto sharci-darrada iga daadegi weyday ee aan indhahayga ku arkay, isla markaana loola socdo tallaabada laga qaado arrinkan aan daaha ka feyday. Haddii ay qormadi meel-ka-dhac tahay waxa ku eedaysan naftayda iyo shaydaan. Haddii ay wanaag siddana waxa mahad leh Eebbe oo i waafajiyay inaan hogatus samaan leh gudbiyo. Weliba masuulka loo hanjabay igama codsan inaan u hiiliyo, farriintanina waa mid damiirkaygu ii diray iyo dabar lagu hakinayo xadgudubyadan maanka geli waayay.

Wixii ah faallo: mid togan, mid taban, toosin, dhaleecayn iyo tilmaanba waxa la ii soo marin karaa warbaahinta aan ka hadlay iyo ciwaannadan hoose.

Siciid Maxamuud Gahayr (Hargeysaawi)

Tell: 0634428604

saedmgahair@hotmail.com