“Dhegaysan Mayno Fadhi Ku Dirirka Iyo Inta Wuxuun Dhaleecaysa” Wasiirka Madaxtooyada Somaliland.

(SM-London) – Wasiirka Madaxtooyada Somaliland, Md. Xirsi Cali Xaaji Xasan, ayaa ka hadlay Munaasibad casho sharaf ahayd oo Jaaliyadda reer Somaliland ee dalku Jarmalku u samaysay, sida uu ku sheegay qoraal kooban oo uu ku baahiyey barta uu ku leeyahay shabkada xidhiidhka bulshada ee Facebook. Qoraalkaas oo dhammaystirana wuxuu u dhignaa sidan.

“Wasiirka oo u mahad-celiyey Jaaliyadda, ayaa sidoo kale ka hadlay waxqabadka xukuumadda Madaxwayne Siilaanyo, dedaalada horumarineed ee ay waddo iyo weliba arrimo kale oo ku saabsan eedaynaha fadhi ku dirirku u jeediyaan xukuumadda talada haysa.

Wasiirka ayaa qoraalkiisa ku yidhi sidan  “Waan idiinka Mahadcelinayaa, indhihiina Furan iyo Qalbigiina Diiwaanka u ah Kaydinta Samaha Dadkeena u Kordhay, “Nuxurka Casho Sharaf ay igu Maamuseen Jaaliyada Somaliland ee ku Dhaqan Jarmal-ka”

Salaan qiimo badan ka dib, aad iyo ayaan idiinka mahadcelinayaa maamuuska casho sharafka iyo soo dhawaynta qiimaha badan ee wadaniyadu ku dheehantahay, dhammaan intiinii hadashay waxaad ka hadasheen danta dalkeena iyo dadkeena, waxaanad farta ku fiiqdeen guulaha isdaba taxan ee uu ku talaabsaday qarankeenu, qof kastana waxaa saaran masuuliyad, bogaadinta iyo taageerada waa idinka gudoonay, talooyinkiinana waa qaadanay, waana qiimaynaynaa doorkiina iyo kaalinta muga leh ee aad qarankan ugu jirtaan ka qurbo joog ahaan iyo gaar ahaan Jaaliyadiina Jarmalka.

Sida in badan oo idinka tirsani tilmaantay dalkii horumar badan ayaa ka socda waxaanu isleenahay dedaala intii awoodi inoo saamaxdo, waxaanu u baahanahay taageeradiina, waxaanu u baahanahay taladiina oo waxaad qaranka u tihiin cudud iyo caqli lagu xisaabtamo,

Sida aad ogtihiin wadada Ceerigaabo iyo dhammaan waddooyinka dalka ka socdaa waa muhiim oo waa kaabayaashii dhaqaalaha, waddadaa Sanaag iyo Togdheer isku xidhaana waa halbawle qarankeena macno badan ugu fadhida horena waan la idiin soo gaadhsiiyey qorshaheeda, qaadhaana waa la idin saaray oo waa idinka sugaynaa, walaallayaal wax weyn ayaad qaban-kartaan haddii aad dedaalka isu gaysaan oo qof kastaa wuxuu awoodo bixiyo waa hubaal in aad kaalin laxaad leh buuxinaysaan haddii aad codkiina, Caqligiina, cududiina iyo shilinkiina midaysaan kuna dhiirataan inaad horumarka kaga qayb qaadataan, anakuna dawlad ahaan waxaanu idiin balan-qaadaynaa in aanu qabano wax la taaban karo wixii aad noo dhiibtaana meel ka muujin doono xisaabteedana si waadaxa idiinku soo bandhigi doono Insha Allahu.

Dal ahaan waxaa dunidu inagu qiimaysaa wixii aynu qabsanay, waxaa la innagu tixgeliyaa waxa inooga qabsoomay dhinacyada kala duwan ee Nabadgelyada, dawladnimada, dhaqaalaha, siyaasada iyo horuumarka adeegyada bulshada, dawlada Madaxweyne Siilaanyo waxaa laysku raacsanyahay inay wax weyn dalkan u qabatay waanu sii wadaynaa, waa dedaalaynaa dhegaysanmayno fadhi-ku dirirka iyo inta wax uun dhaleecaysa ee dhinaca xun uun wax ka eegta, indhooduna ka daboolan yihiin aragtida waxa bulshada u qabsoomay — waxaana hubaal ah bulshadani waa ogtahay ka wax u qabanaya iyo ka wax ka qaloocinaya, nalagu qiimayn maayo aragtida kuwa nagasoo horjeeda ama aan ishoodu qaban horuumarka iyo wanaaga ee waxaa nalagu qiimaynayaa wixii aanu qabano.

Xaasha taariikhdu na dafirimayso dadkayaguna naga abaal-dhicimaayo ee sidaa aad u qiraysaan ayay dhamaan gudo iyo debadba u ogsoon yihiin, wixii aanu qabanay oo waa nalaga sugayey wixii noo dhimana waa ognahay cidii noo sheegta iyo cidii nagula talisa iyo cidii nagu canaanataba waa ka qaadanaynaa waana soo dhawaynaynaa.”

 

Wa Bilaahi Tawfiiq