“Dhulkii Hargeysa Badhtankeeda Ee Afweyne Ka Xishooday, Ayaa Maanta La Doonayaa In..” Sheekh Aaden Siiro Oo Ka Hadlay Boobka Dhulka

(SM-Hargeysa) – Sheekh Aaden Xaaji Maxamuud Xiirey (Aaden Siiro), oo ka mid ah culimada waaweyn ee reer Somaliland, ayaa khudbaddiisii Jimcaha ee maanta si weyn ugaga hadlay boobka dhulka ay ku hayaan ganacsatada iyo  Masuuliyiinta xukuumadda talada dalka haysa, waxaanu sheegay inay sabab u yihiin qaaliga xad-dhaafka ah ku yimid dhulkii caasimadda Hargeysa.

Sheekh Aaden Siiro, waxa uu sheegay in dhulkii badhtamaha Caasimadda ee uu Siyaad Barre uga tagay danta guud ay dad gaar ahi doonayaan inay qaataan, taasina tahay wax aan loo dulqaadan Karin, isaga oo xusay inb dhibaatada ugu weyn dalka ka taagani tahay mushaakilaadka dhulka ka dhasha.

Sheekh Aaden Xaaji Maxamuud Xiirey (Aaden Siiro), oo ugu horeyn ka hadlaya cabashooyinka dhulka ee dalka ka taagan ayaa yidhi “Maalmahan Dambe Somaliland waxa ku badan cabasho xagga dhulka ah, dhulka yaa leh, dhula yaa bixin kara, maxaa qof kasta oo Muslim ah oo Hargeysa ku nool ama Somaliland ku nooli xaq u leeyahay, afarta Milyan ee Somaliland u dhashay ee qof walba xaq u leeyahay inuu dhul helo, yaa keenaya dhulka laga dhigo boqollaal kun oo doolar, ilaa aynu wayno meel aynu dadkeena ku aasno, shaqaaqooyinka ugu badana ay ka dhacaan (waa dhulka), waxaas oo dhami waxay u baahan yihiin inaynu taxliilino oo laga hadlo”

Sheekh Aaden, waxa kale oo uu sheegay “Dhulkan waa laga qaxay oo ILAAHAY wuu ina rogay, sababbaana dalkan loo rogay, ILAAHAYNA qoob ma bedalo ilaa iyagu ay is bedalaan, taladeyda haddii ay tahay Hargeysa iyo Burco ilaa Ceerigaabo dayr ayaynu ku xidhi lahayn aan la degin dalka markii la soo galay, waxaan uga socdaa haddii wax la iswaydiinayo wixii dalkan ka dhacay waxaynu ku xidhi lahayn dayrar, si carruurta madaxa madow ee dalkani wuxuu ahaa, wuxuu soo maray iyo wixii ka soo dhacay aan ogeyni taariikhda ugu xisaabtamaan wixii ay ahaayeen” ayuu yidhi, waxaanu intaasi ku daray “Maxaa keenay, Hargeysa badhtankeeda oo Afweyne oo ahaa ninkii lala dagaalamay ka xishooday, 10KM oo isku wareeg ah ayuu Hargeysa kaga tagay oo ilmaha dhasha ilmihiisa (ku filan), dhulkii ay ka tagtay dawladdii lala dagaalamay shan qarni ayay dalka ka filnayd, dhulkiibaa maanta la doonayaa afar qof oo hanti helay oo aan shalay waxba hayn, laakiin la doonayo in la abuuro, Milyaneero (in laga dhigo la doonayo), ilmahaa yar ee maanta dhowr iyo toban jirka ahi miyaanu xaq u lahayn meel uu ku noolaado, miyaanu xaq u lahayn meel uu ku hoydo, bisadbaa god ka maarmi wayday, qof dhan oo bani-aadam ah oo uu ILAAHAY (SW) ugu talo-galay inuu dhulkan wakiil uga noqdo, in la yidhaahdo dalkii ha yeeshaan 10 qof”

Sheekh Aaden Xaaji Maxamuud (Aaden Siiro), waxa uu khudbaddiisa ku sheegay inay hadda marayso in laga warwaro meel dadka lagu aaso “Waxaanu ka hadli doonaa dhibaatada ka soo socota dhulka, waxaanu  caddayn doonaa kuwa maanta talada haya waxa la gudboon, waxaanu tilmaami doonaa kuwa lacagta ummadda ka helay iyo taariiqa ay u socdaan, inuu yahay dariiq qaldan oo keenaya shaqaaqooyin dalku ku dumayo, waxaanu uga hadli doonaa sharci ahaan waxa dadka la gudboon, waxaanu idiin sheegaynaa naftayada iyo idinkaba dariiqa lagu nabadgalayaa ka uu yahay, waxaanu si gaar ah ula hadli doonaa dadka reer Hargeysa, maadaama oo mushiladdii  Hargeysa ku urursan tahay oo Hargeysa i gaadhsii arrintu noqotay. Waxaan idiin sheegayaa haddii laga dayn waayo annaguna Masaajidka ayaanu baloodhayn ee ninkii lacag badan hayow iska kaalay adeer, haddii masaajidka la baloodheeyo, waala baloodhaynayaaye, haddii kuwo cirka ka soo daatay ee Magacyada waaweyn ee quwadda weyn ee dalkan xooga ku haya ee maanta waddooyinka iibinaya ee intii hadhay ku kala tagaya, waar dalka halaga daayo sidaa, waar hala isku soo gaadho, waar caqliga isticmaala, waar ha yeelina, waar waddooyinka difaaca, waar dhulkii ummaddu lahayd hala difaaco, dawladdu awood ay ku iibiso malaha, u sharciyeyn mayno adeer, waxaanu leenahay ka daaya waala isku dilayaaye, hadday sidaa noqoto ninba meesha ayuu xidhan doonaa, xaafadiba meesheeda ayay xidhan doontaa, nin walba waddadiisa ayuu xidhan doonaa, dabadeedna waa KARIS XUN IYADUNA WAX KU LA’, Waar ka daaya idinkaa wax ku qabee, waar meel iskuul laga dhiso ayaa la la’yahay, meel masaajid laga dhiso ayaa la’yahay, meel carruurtii istaagto ayaa la la’yahay” ayuu yidhi, waxaanu intaasi sii raaciyey “Waakaa garoonkii yaraa ee Maxamed Xaashi Cilmi laga caayo tv-ga, Maxamed Xaashi waa dadka aanu kala aragtida nahay, laakiin hadday qaar dhibayso waanu sheegaynaa wuxuu qabtay, kuwa doollarka karsada waanu u sheegaynaa, garoonkii yaraa Xawaadle ayay dawladdaa dhami carruurtii u dhisi kari la’dahay, imisuu xanibnaa, cirkaanu madoobaynay, dhulkaanu casaynay iyo waddooyin baanu dhisnay (ayay dawladdu tidhaahdaa), waar ummada dhulka haloo daayo,  arrintaa si adag ayaanu uga hadlaynaa, Madaxwaynaha ayaanu u sheegaynaa, kuwa lacagta haysta ee lacagta la cararaya ayaanu u sheegaynaa, waxaanu leenahay waxa iman doonto dawlad caddaalad ah, waxa iman doonta in lagugu qabsado oo lagu murmo, waar lacagtaada waddo ama guri dadku leeyihiin ha siisanin”

Sheekh Aaden Siiro, waxa ka hadlay Biriijka Xaafadda State House-ka o ee Magaalada Hargeysa, kaasi oo muddo go’an, waxaanu ku taliyey in la hagaajiyo, maadaama oo ay go’doon yihiin ilaa shan boqol oo qoys.

 

Salaanmedia/Hargaysa