Dowlada Mareykanka Oo Sheegatay Masuuliyada Weerarar Dhinaca Cirka Ah Oo Lagu Dilay Sargaal Sare Oo Ka Tirsanaa Al-Shabaab

american-flag-2aJan 27, 2014 Muqdisho(SM) – Dowlada Mareykanka ayaa sheegatay Masuuliyada Weerarar dhinaca Cirka ah ay fulisay Diyaarad nuuca aan duuliyaha laheyn oo lagu dilay Sargaal Muhiim ah oo katirsanaa Xarakada Al-Shabaab.

War kasoo baxay Wasaarada Difaaca Dalka Mareykanka ayaa lagu sheegay in Duqeyn shalay ay ka geesteen Deegaanka Lagu Magacaabo Haaway oo u dhaxeeya Sablaale iyo Baraawe lagu dilay Sargaal sare oo katirsan Al-Shabaab aadna ugu dhawaa Amiirka Kooxdaasi Abuu Zubeyr.

Sargaalka Duqeynta lagu dilay ayaa Magaciisa lagu sheegay  Axmed C/qaadir Camuu (iskudhuuq) waxa uuna Al-Shabaab u qaabilsana dhinaca Caafimaad , Gaarigii uu saarnaa ayaana la sheegay Sargaalan in lagu dhuftay Gantaal halkaasna ay ku dhinteen isaga iyo qaar kamid ah Xubno la socday

Gawaarida ay wateen Saraakiisha Al-Shabaab ee Duqeynta lala eegtay ayaa ka yimid dhinaca iyo Degmada Diinsoor waxa ayna kusii jeedeen Magaalada Baraawe ee Gobolka Sh/Hoose halkaas oo la tilmaamo in ay joogaan inta badan Saraakiisha Shabaab.

Xarakada Al-Shabaab wali wax war ah kama aysan soo saarin Duqeynta Dowlada Mareykanka fulisay laguna dilay mid kamid ah Saraakiisha sar sare ee Kooxdaasi , waana weerarkii labaad oo dhoor bil Gudahooda lagu dilo Sargaalkii labaad oo AL-Shabaab katirsan.

 

Salaanmedia/ Muqdisho

Xigasho Cadceed