Dowlada Turkiga wadahadalada Somaliland iyo Somalia ma waxay u aragtaa local mise International)

(dowlada turkiga wadahadalada Somaliland iyo Somalia ma waxay u aragtaa local mise international)

Waxaynu ogsoonahay dowlada Somaliland iyo dowlada federalka Somalia waxaa ka dhexeeya wadahal kazoo in muda ah soo socday, kulama farabadana la iskugu yimid meelo kala duwan  oo ay ka mid yihin London, dubai, Ankara, Istanbul, halkaasoo si wayn loowada hadlay Somaliland ay ku noqotay dowlad la siman dowlada federalka Somalia ayna ku kala saxiixdeen laba dal.

Shacabka jamhuuriyada Somaliland way la socdaa dhaqdhaqaaqa socda ee wadahadalada wayna taageersanyihin dowladooda sida wanaagsan ay u wado wadahadalada iyo halkaan manta caalamka ka taaganahay hase ahaatee mid ayay is waydinayaan bulshada jamhuuriyada Somaliland iyagoo u riyaaqay wadahadalada kaasoo ah in wadahadaladu sida wasirka arimaha dibadaba uu sheegay in laga dhigo mid caalamka markiiba loo bandhigo sida qaramada midoobay, midowga yurub, midowga Africa iyo igad si ay ula socdaan halka ay marayso lasocdkaasna waxay Somaliland u tahay ictiraaf buuxa oo ay horaantiisi heshay,

Waxay kaloo shacabka is waydinayaa marka shirar ay dhacayaan caalami ah oo ay laba dowladood wada hadlayaan waxaa yimaada tv yada caalamka oo dhan si ay warkaas ugu sii dayaan caalamka oo dhan hase ahaatee waxaynu aragnaa in wararka laga sii daynayo tv yada afka somaliga ku hadla iyo kuwa Somaliland, waxaa kaloo ay arkaan marka qodobo lagu heshiyo ee lasoo gunaanadayo inuu shirka soo afjaro safirka somaliya u fadhiya turkiga oo loo baahnaa inuuu soo gunaanado wasiirka arimaha dibada turkiga si caalamka ay il dheer ugu egaan ilayn waxa laga wada hadlayo waa siyaasid caalami ah oo labaa dowladood ka dhexeeya.

Inagoo ogsoon turkiga sida wanaagsan ee uu inoo lawado wadahadalada hadana waxaynu leenahay waa in wada hadalka ka dib ay warbaxino farabadan oo lagu taageerayo ay ka  maqlaan warbaahinada caalamka bulshada jamhuuriyda Somaliland si ay garwaaqsadaan inuu yahay wadahadaladan mid caalamka indha gaar ah uu ku eegayo.

Waxaan og soonahay in bulshada kala duwan ay taageersantahay wadahadalada socda haday yihin mucaarad iyo muxaafad lakin waa in ay bulshada kala socotaa tv yada caalamka.

Guntii iyo gunaanadkii ka madaxwayne mustaqbal ahaan waxaan oran laha wafdigeena qaaliga ah shirarkan soo socda waa in aad ku dadaashan sidii uu u noqonlahaa mid aan kala socono  tv yada caalamka oo aad ku dadaashaan inaad ku marti galisaan ka wafdi ahaa aljaziira.

Qodobada aad ku heshisene anigoo aan  tixgalinayo waa in kasii waynaadaa kuwii hore waxa lagu heshiiyayna dhaqan galaan

Dhammaantiin aad baad umahdasantihiin saxaafada madaxbanaan

Qalinkii|: Future president mohamed Osman

Email:awaadan5@gmail.com

Burao,Togdheer,somaliland