Duqa Magaalada Minneapolis ee Mareykanka oo ugu magac daray buundo Marxuum Somali ah(Daawo Muuqaal+Warbixin)

Duqa magaalada Minneapolis ee gobolka Minnesota ee dalkaas Mareykanka ayaa waxaa la sheegay in uu ugu magac daray buundo ku taal magaaladaas marxuum Xuseen Samatar oo ahaa Soomaaligii ugu horeeyey ee loo doorto xafiis dowladeed dalkaas Mareykanka.

Duqa magaalada Minneapolis ninka lagu magacaabo RT Rybak ayaa waxaa uu ku dhawaaqay in buundo cusub oo la hirgalin doono magaaladaas loogu magaca dari doono Xuseen Samatar (AUN) oo ahaa hogaamiye caan ka ahaa bulshada Soomaaliyeed islamarkaana ahaa Soomaaligii ugu horeeyey ee loo doorto inuu ka howl galo xafiis dowladeed ee dalkaas Mareykanka, Duqa magaalada Minneapolis oo ah mid ka sii tagaaya xafiiska shaqada oo hadal ka jeediyey xafladii uu kaga dhawaaqaayey arintaas ayaa sheegay inay farxad weyn u tahay inuu ninkaas oo uu ku sheegay saaxiib wanaagsan inay ahaayeen inuu ugu magac daro buundadaas wadadaas buundada ah ee loogu magac daray ninkaas ayaa waxaa loo bixin  doonaa Samatar Crossing.

Ugu dambeyntiina iyadoo uu duqa magaalada Minneapolis uu ninkaas Soomaaliga ah ee geeriyooday uu ku xishmeeyey kuna magacaabi doono ayaa waxaa halkaas uga mahad celiyey xaaskii uu ka geeriyooday marxuum Xuseen Samater haweeneyda lagu magacaabo Ubax Jaamac oo sheegtay iyadoo ku hadleysa magaceeda iyo kan jaaliyada Soomaaliyeed ee gobolkaas inay ugu faraxsan tahay sida uu u sharfay, iyadoona halkaas ku gudoonsiisay duqa magaalada hadiyado ka turjumaaya dhaqanka Soomaalida, Marxuum Xuseen Samatar(AUN) ayaa dhamaadkii bishii Agoosta ee sanadkii hore waxaa uu u geeriyooday cudurka Kansarka asaga oo ay da’adiisuna  ahayd 45 sano.

Salaanmedia/London