Duruufaha siyaasadeed iyo dhaqaale ee ku gadaaman gobolka Sanaag Qalinkii Ahmed Lababaale

0

Asc wr w
gobolka sanaag waa gobolka ugu wayn  lixda gobol ee ay ka koobantahay jamhuuriyada somaliland . waa gobol aad iyo aad u baaxad wayn oo leh  taariikh  soo jirtay qarniyo .waa gobol dihan oo leh khayraad fara badan  oo ay ka mid yihiin dhul beereed .xoolo nool sida geela adhiga iyo lo.da  .  biyodurdura  oo aan gudhin gu. iyo jiilaal
. macdantii . beeyadii  iwm.
  hadaba gobolka isku darsaday intaas oo khayraada oo aynu kor kuxusnay  oo aanay lahayn gobolada kale ee somaliland   hadana waxa aynu ognahay inay  aafeeyeen  duruufo adag  oo isugu jira mid dhaqaale
iyo mid siyaasadeed.
  hadaba suaashu waxay tahay  maxaaa ugu wacan  duruufahan adag ee gobolka sanaag  haysta ?
hadaan isku dayo jawaabta suaashan  oo dad badani iswaydiiyaaan  waxaan  

odhankaraa

1_ hadaynu ku horayno  xaga dhaqaala xumida   gobolka  waxa ugu wacan dawladahii 23 kii sanadood  
ee somaliland xoriyada lasooo noqotay soo maray  oo aan kayeelan ama  ku hagin gobolka siyaasad istaraajiyadaysan oo ay wax kaga  
qabanayaan gobolka .. iyo   wado xumo ku habsatay gobolka  oo ay ka fogyihiin goboladii kale ee somaliland
  
taaas oo ay waliba ugu darsantay cashuur xad dhaafa oo ay xukuumada kulmiye ee hada talada wadanka haysaa ay dusha ka saartay  dadkii danyarta ahaa ee markoodii horeba la daala dhacayay dhaqaala xumida

2- qodobka 2aad o ah duruufaha siyaasadeed  ee haysta gobolka sanaag  hadaynu  wax yar ka taabano
waxa ka mid ah .gobolka sanaag  waa gobolka ugu kooneeya dhinaca bariga  xuduudaha somaliland
waxaana jira degmooyin ka mid ah gobolka oo la odhan karo mabuu gaadhin maamulka  xukuumadihii
soo maray somaliland  .ilaa  maaanta  .oo ay sheegtaan  maamul goboleedka putland
kana ololeeyaan waqtiyada doorashooyinka . ha ugu danbayso doorashadii tartanka madaxwaynaha ee  dhawaan ka dhacday  putland  ee uu ku guulaystay  cabdi wali gaas

hadaba iyadoo aynaan qalin kusoo koobi karin duruufaha adag  ee gobolku la baaxaa dagayo
waxaan kusoo gaabinayaa  talo ku socota xukumada uu madaxwaynaha kayahay  A.m.m. siilaanyo

waxaan leeyahay  xukuumadu ha dhagaysato  dhagahanaha ufurto qaylo dhaanka ka immanaya
wax garadka .saladiinta .odoyaasha dhaqanka. dhalinyarada .iyo culimo udiinka  gobolka sanaag
si degdeg ahna ha u samayso siyaasad istaraajiya daysan  oo ay wax kaga qabanayso  duruufahaa adag
   ee dhinaca dhaqalaha iyo dhinaca siyaasada ba ah   ee haysta gobolka

Walaahu waliyu tawfiiq

waa qalinkii Qoraaga .ahmed suleiman .Lababaale
xahmednuur@hotmail.com