Faysal Waxna Wuu Arkaa Waxna Wuu Ogyahay – UCID Bayunu Nahay By Cali Xassan Dahir

Faysal Waxna Wuu Arkaa Waxna Wuu Ogyahay – UCID Bayunu Nahay By Cali Xassan Dahir

faysal

ASCWWB, Dhammaan waxaan salaamayaa shacbiga reer Somaliland. Bacda salaam waxaan jecelay inaan wax yar ka iftiimiyo waxa Faysal lagu dilayo ee olalaha loogu qaaday.

Waxaan leeyay marka u horraysa, Faysal waa muwaadin daacad u ah dalkiisa iyo dadkiisaba hamigiisuna waa Somaliland iyo horumarkeeda.

Taas waxa caddayn u ah marka aad dib u jaleecdo marxaladihii wadanku soo maray, ka soo bilaw dagaaladii sukeeye Faysal mawqifka uu ka qaataay.

Ma la barbar dhigi karaa kooxda Kulmiye ee Hargaysa, Burco, Berbera intaba dagaalka ka riday ay ku dinteen 1000’s Somaliders.

Hirgelintii axsaabta mawqifkii uu ka qaatay – ma la barbar dhigi karaa mawqifkii kulmiye iyo shir beeleedyadii ay doonayeen wakhtigaas.

Mawqifkii Faysal mudaaharadii kulmiye uu ku diidi jiray?? Qiimee intee in leeg ayuu jecel yahay dadkiisa markuu lahaa Hargaysa rabshad uma ogolin.

Faysal wadanka xil umuu qaban oo weli shilin shacabka Somaliland leeyay muu cunin??? Toban sano inka badan jeebkiisa ayuu ku shaqaynayay???

Faysal waxa lagu dilayaa waxa uu sheegay Qandaraaskii beenta ahaa ee Madarka Hargeisa lagu cunay 11 million oo dollar – oo runtiis ah.

Faysal waxa uu sheegay in taladii wadanku gacanta madaxwaynaha ay ka baxday oo dadkale ay wadanka xukamaan – oo runtiis ah.

Faysal waxa uu sheegay in Barlamaankii iyo guurtigii, iyo garsoorkii iyo xukuumadii ay isku milmeen oo dhammaan madaxtooyada laga xukumo – oo runtiis ah.

Faysal Waxa uu sheegay in saami qaybsigii beelaha Somaliland laga leexday ee beel kali ahi wadanka xukunto – oo runtiis ah.

Faysal waxa uu sheegay Shirkada shidaalka ee heshiisyada qarsoodiga ah lala galay – oo runtiis ah.

Faysal waxa uu yidhi xukumadu wada hadalka ay Somalia la galayso ha ogaadaan axsaabta qaranku waayo waa massiirkii ummada – oo runtiis ah.

Hadaba dadyow, waxaydun garan marka cid Siiraanyo la hadasha oo waxa qaldan ka hadasha la waayo. Saa dambaad garan….

Cali Xassan Dahir,

Riyadh, S.A.