GOLUHU HADII UU ISA SAXAY MAXAA LA QOONSADAY? “Xildhibaan Cali Yusuf Ma Waxa Uu Diidan Yahay Qaladka La Saxaybaa Mise Wax Kale Ayaa Jira? ” Cali-guray

GOLUHU HADII UU ISA SAXAY MAXAA LA QOONSADAY? “Xildhibaan Cali Yusuf Ma Waxa Uu Diidan Yahay Qaladka La Saxaybaa Mise Wax Kale Ayaa Jira? ” Cali-guray

0000000001Jan 28, 2014 Hargeysa(SM)-  Guddoomiye-ku-xigeenka Sadexaad ee Xisbiga UCID Cali Yuusuf (Cali Guray) ayaa soo dhaweeyay xeerhoosaadka golaha wakiilada ee dhawaan la ansixiyay, kaas oo awooda siinaya Guddoomiyaha Golaha Wakiilada Mr. Ciro, xeerkaas oo ay aad uga biyo diideen xubno badan oo ka mid ah xukuumadda Siilaanyo.

Md. Cali Guray ayaa sheegay in dunida ay ka hirgashay Dimuqraadiyadu in aanay jirin wax la yidhaahdo Shir-guddon, balse uu jiro (House Speaker), oo ah ninka ku hadla Afka Aqalka Wakiilada.

Qoraal kooban oo uu ka soo saaray diidmada qaar ka mid ah golaha wakiilada oo kooban ayaa waxa ay u dhignayd sidan:-

Caalamka dimuqraadiyadda kama jiro wax loogu yeedho Shirgudoonka Wakiiladu, waana shuqul hantiwadaag. Talaabada ay qaadeen xildhibaanada Aqalka Wakiiladu na waxan u arkaa keliya mid ay ku saxeen qalad ay la haayeen. Shakhsiga gudoomiya wakiiladu waa af hayeenka aqalka( House Speaker), wax awood shakhsi uu leeyahay na ma jirto ee awooda waxa iska leh golaha. Marka aanu goob joog ahayn gudoomiyaha dabcan fadhiga waxa gudoominaya Gudooniye Xigeenka 1aad ama kan labaad hadii uu maqan yahay. Markaa maan fahmin ama muu fahmin Xildhibaan Cali Yusuf waxa uu ka hadlayo. Ma waxa uu diidan yahay qalad la saxay baa mise wax kale ayaa jira?