Guddoomiyaha Marka oo sheegay in la jabiyay xabad joojintii Shabeelada hoose, kana hadlay dil loo geystay walaalkiis

image

Guddoomiyaha Magaalada Marka ee xarunta Gobalka Shabeelaha hoose, ayaa ka hadlay dil shalay loo geystay wiil isaga la dhashay oo kooxo hubaysan ay ku toogteen deegaan lagu magacaabo Ugunji oo ka tirsan Gobalka Shabeelaha hoose.

Maxamed Cusmaan Yariisoow, ayaa sheegay in rag wata gaadhi caasi ah ay rasaas la dhaceen wiil isaga la dhashay iyo rag kale oo la socday kuwaasi oo ku sugnaa deegaanka Ugunji oo ka tirsan Gobalka Shabeelaha hoose, sidoo kalena ay iska caabin muujiyeen raga walaalkiisa la socday.

Wiilkii la dhashay Guddoomiyaha Magaalada Marka ayaa rasaastii la isweydaarsaday waxa ay kaga dhacday madaxa, waxaana dhaawac ahaan looga soo qaaday deegaanka Ugunji, isaga oo ku geeriyooday deegaan kale oo lagu magacaabo Siigaale oo 21-KM ujirta Magaalada Marka.

Guddoomiyaha Marka, wuxuu qeexay in dilka loo geystay walaalkiis ay ka dambeeyeen rag la garanayo sida uu sheegay ficilka lagu dilayna uu dabo socdo dagaalkii ka dhacay deegaanka No.50.

Dadka deegaanka Ugunji ayuu sheegay inuu hada isaga cel-celinayo ayna doonayaan inay qaadaan weerar dagaal ah oo ay ku qaadaan raga dilka geystay, hadana isaga uu amray inaan wax weerar ah la qaadin.

Guddoomiyaha Magaalada Marka ayaa sheegay in xabad joojintii lakala dhexdhigay beelihii ku dagaalamay Gobalka Shabeelaha hoose laga baxay oo la bilaabay in dilal qorsheysan la fuliyo, waxaana uu sheegay in Dowladda Soomaaliya ay ka sugayaan jawaab ku aadan xabadjoojinta laga baxay iyo dilka loo geystay walaalkiis.

Ugu dambeyn wuxuu wacad ku maray in hadii jawaab Dowladda federaalka Soomaaliya ay ka bixin weydo arintaasi ay qaadayaan tallaabo ay uga jawaabayaan ficilka walaalkiis lagu dilay.

Salaanmedia/Mogdisho