Gudomiye Muuse Biixi Ka Hadlay Khilaafka Kulmiye,Sheegayna In Uu Madaxwayne Silanyo Taageersanyahay.

Daawo Muqaal: Muuse Biixi Oo Ka Hadlay Khilaafka Xisbiga KULMIYE Iyo Xiliga Shirweynaha Xisbiga La Qabanayo

Gudoomaya Xsibiga Muxaafidka Ah Ee Kulmiye  Muuse Biixi Cabdi Ayaa markii u horaysay ka hadlay arrimo badan oo la xidhiidha muranada iyo khilaafyada ka dhex aloosnaa xisbiga dhawarkii bilood ee u dambeeyay,dib u dhigista shirwaynaha xisbiga iyo waliba doorkiisa murashaxnimo ee xisbiga,Muuse Biixi oo maanta shirjaraa`id ku qabtay Xarunta xisbiga ee magalada Hargeysa ayaa waxa uu ka hadlay war warka ay qabaan xisbiyada mucaaridka ee ah in ay doorashadu dib u dhacdo waxanuu yidhi”Saaxiibadayda Mucaaridka Ah Waxaan Leeyahay Waan Idin Kala Siman Nahay In Ay Doorashadeedii Dhacdo Waqtigeedii Anaga Xagyaga Waa Ka Diyaar Xaga Xukumadana Waan Ka Sugaynaa In Ay Wixii Ka Dhiman Ay Diyaariso Isla Markaana Aan Xagooda La Soo Eegin Si Aan Loo Odhan Wayjiitamayaan “ ayuu yidhi Muuse Biixi.

Dhinaca kale mar uu ka hadlayey gudoomiyuhu arrimaha kulmiye dhexdiisa ah ee la xidhiidhta shirwaynaha xisbiga ee soo jiitamayey dibna u dhacay dhowrka jeer waxa uu ka  yidhi “Ka Xisbi Ahaan Waxa Intaa Noo Dheer In Aan Dhamaystirno Wixii Aan U Balanqaadnay Dadwaynihii Nasoo Doortey Iyo In Aan Xukumada Ku Dabo Galno Sidii Wax Looga Qaban Lahaa Wixii Balan Qaadka Ahaa Si Ay Dadkuna Nooga Marag Kacaan Inlay Iyaga Ayaa Nooga Markhaati Ahe, Sidoo Kale Waxa Nalooga Baahan Yahay Kulmiye Iyo Xukumada Ahaan Dhexdayada In Aan U Diyaargarawno  Waa Run Waxa Dhawr Jeer Dib U Dhacay Shir Waynihii Kulmiye Mar Hadii Shir Yimaadana Waa Run Is Qabqabsi Wuu Imanayaa Waliba Soomali Ayey Nunhay Oo Caadifad Ayaan Leenahay Oo Waa Caadi Isqabqabsi Xisbi Walba Oo Shirqabsanaya Dhexdiisa Ayey Ku Jirtaa Xalinta Khilaafka Iyo Guushiisuba,Waxa Soo Noqnoqday Laba Qodob Madaxwayanaha Somaliland Waa Odaygii Xisbiga Markii Aan Diyaar Garawnay Shirar Ayaa Kadis Ku Yimid Aan Noo Qorshaysnayn Oo Dan Qaran Ah  Oo Waqtigii Ku Beegmay Ayay Noqotey In Aan U Hakino Furitaanka Shirka Ina Uu Madaxwaynuhu Soo Noqonayo Madaxwayanaha Arintaas Waan Ka Wadahadalnay Waxaanan Isla Garanay In Aan La,Aantii Shirkaas La Furin Karayn Aad Hawshan U Baxdo Markaad Soo Noqotana Si Degdeg Ah Shir U Qabano Anaguna Diyaar Garawno Markaasna La Qabto Shirka.” Ayuu yidhi isaga oo hadalkiisa sii wata.

Waxa kale oo uu Muj. Muuse Biixi ka hadlay  arrimo dhawrkii maalmood ee u dambeeyay la isla dhexmarayey oo sheegay in uu murashaxnimada xisbiga ee sanada soo socda uu yahay madaxwayne silanyo,Muuse Biixi ayaa si dad ban uga hadlay isla markaana sheegay in uu madaxwayne silanyo isga laftiisa farta u taagay wakhtiyadii uu u tartamayey jagooyinka uu ka hayo Kulmiye iyo kuwii uu ka soo qabtayba”

“dadka doonaya in ay Madaxweynaha iyo aniga yidhaahdaan way is haystaan waxaan ugu quus goynayaa madaxweynuhu in uu I taageeray markii aan gudoomiye ku-xigenka Xisbiga u ordayey, hadana kii Burco ee uu igu wareejiyey Guddoomiyanimada in uu I taageeray, maalmihii dhawaa ee shirweynaha markii guuxu isku baxayna waa kii yidhi guddoomiyanimada haloo daayo, markaa waxa markhaati iigu filan inuu hore iyo danbyaso taageeradiisa I siiyey, ana sidaas oo kale aan taageero u hayo”.

  

 Salaanmedia

Hargeysa Office