Gudoomiye Cabdiraxmaan Ciro oo baalasha karifay kuxigeenadiisii!

 gudoomiye ciro oo baalasha karifay kuxigeenadiisii!

MAQAAL
 
waxa layidhi amaano kugu raagta yadaa ayaad moodaa! markii baarlamaanka Somaliland lagu soo galay hanaanka xisbiyada badan ayaa waxa majooratigii kuraasta helay labadii xisbi mucaarid ee markaas dalka ka jiray waa Kulmiye iyo UCID oo markaas ahaa xisbiyada mucaaridka dalka halka xisbigii burburay ee UDUB ahaa xisbiga xaakimka dalka ka taliya,
 
waxay ku heshiiyeen labadii xisbi mucaarid kulmiye iyo UCID inay soo dhistaan shirgudoonka aqalka si ay hogaanka aqalka baarlamaanka u qabsadaan taas iyaga oo ka duulaya ayay xisbiga UCID siiyeen gudoomiyaha aqalka baarlamaanka halka labadii kuxigeen uu xisbiga kulmiye qaatay wuxuu ahaa heshiis isgaashaan buuraysiya oo ay u midoobayeen xisbigii UDUB ee markaas talada dalka hayay,
 
sida aduunku u dhaqmo ma aha in baarlamaanka loo sameeyo shirgudoon intaas le-eg oo is daba taxan keliya waxay iska doortaan afhayeen ama hadal hayeen ama hadal qaybiye (speaker) wax uu dheer yahay ma jirto xubnaha kale ee baarlamaanka aan ahayn masuuliyadaas ay iyagu u doorteen ee markay doonaan ka qaadi karaan waxay shaqadiisu tahay inuu hadalka u qaybiyo markay doodu socoto si aanu hadalku isugu dhex yaacin oo laysu dhegeysto,
 
wuxuu soo nadaamiyaa gudoomiyuhu gudiyada aqalku u qaybsamayo kuwaas oo noqda dhowr gudi sida gudida joogtada ah, gudida arimaha gudaha iyo amniga, gudida arimaha dibada, ta dhaqaalaha IWM,
 
iyada oo ay jirtay mucaariadad aad u balaadhan xiligii baarlamaanku dhismay ayaa si caadifad ku dhisan lagu dhisay shirgudoonka aqalka wakiilada taas oo meesha ka saartay in uu maro midaamka baarlamaanada dunidu ku dhisan yihiin waxa la sameeyay shirgudoon ka kooban sadex xubnood oo kala hooseeya marka ay aqalka fadhiyaana is dhinac fadhiya oo gudoomiyuhu uu dhaxda fadhiyo  labada kalena hareeraha ka kadhiyaan dhinaca midig iyo dhinaca bidix ,
 
nidaamkaas degdega ku dhismay iyo caadifada mucaaridnimo ee aan laga fiirsan iyada oo wax walba laga hormariyay in xisbigii UDUB iyo xukuumadiisa cunaha laysaga duubo si aanay baarlamaanka uga suuro gelin waxay rabaan ayuu ku yimid shirgudoonka maanta fiintu dhex miranaysaa!,
 
somalidu waxay tidhaah daa amaano kugu raagtay yadaa baad moodaa! nimankan maata liqi kari waayay nin kan ciro lama sinidin ee waad ka hoosay saan markii ugu horaysay ee lamagacaabay ayaan loo sheegin meesha ay aqalka ka fadhiisanayaan ee ay xaqa u leeyihiin,
 
qaynuunka dowliga ah ma ogola in lays barbar yaaco wax waliba waxa uu maraa kala sarayn iyo jaran jaro hadii kale waxaa ka dhacaysa maah maahda carabiga ah ee tidhaahda ( anaa amiir wa anta amiir faman ladii asuuqul ximaar) aiguna amiir baan ahay adiguna amiir baad tahay ee keenee baa dameerka kaxaynaya!
 
labada oday ee isu qaatay inay gudoomiye cirro la maqaam yihiin haloogu dhaarto in loo khaldamay oo meeshan maanta lafadhiisiyay ay tahay meeshay xaqa u lahaayeen oo ay geel baadiya la joogeen, 
 
waxaan leeyahay waa meesha qudha ee Somaliland qaloocu kaga jiray shirgudoonkan isdaba yaacaya ee baarlamaanka wada fadhiya ee inta lasheegay siday u kala sareeyaan hadana lamuujin jaran jarada ay kala leeyihiin markay fadhiyaan aqalka si ay u cadaato awooda ay kala leeyihiin,
 
waa wax fiican in dalku u soo noqdo sharciga iyo idaamka dowliga ah si aynaan uga leexan dariiqa sharciga ah.
 
 
aadan axmed nuurÂ