Guuleed Daahir Samatar maxay xukuumada Siilanyo ka ursatay?!

 GUULEED

Guuleed daahir samatar maxay xukuumada siilanyo ka ursatay?!
 
Guleed oo ahaa gudoomiye ku xigeenkii hore ee gobolka togdheer ayaa si sharci daro ah hore gurigiisa ay ugala baxeen ciidamada RRU da loo yaqaan ee sida argagixisada ah u la dhaqma shacabka masaakiinta ah ee aan waxba galabsan amarkaas oo uu bixyay wasiirka madaxtooyadu ayaa hadana marlabaad caawa laga qabtay kaantaroolka haleeya ee ku yaal magaalada hargeysa,
 
qabashada guuleed ayaa waxay timid kadib markuu ka diiday xukuumada siilanyo inuu mudo lix bilood ah xabsi ku ahaado magaalada hargeysa oo aanu dhana uga bixin! wada hadal hore u dhex maray xukuumada iyo wax garadka kasoo jeeda beesha guuleed ayaa waxa lasku afgaran waayay in guuleed mudo lix bilood ah uu hargaysa joogo! arintaas oo guuleed iyo waxgardka wada hadalka ku weheliyay ay u cuntami wayday markii guuleed wax danbi ah oo lagu eedeeyo lagu waayay oo uu ku mutaysto xadhig ama xabsi guri!,
 
guuleed daahir samatar ayaa ah shaqsi bulshaawi ah oo furfuran kana soo jeeda dhalinyartii gobolka burco ku dhalatay ee hadana ku barbaaratay waxa uu hore uga dhex muuqday xukuumadii UDUB oo uu ka ahaa xubin firfircoon xiligii uu maamulka gobolka togdheer uu ka midka ahaa ayaa waxa jeelka madheera loo taxaabay wasiirka madaxtooyada xirsi cali xaaji xasan oo markaas intuu iska casilay xilkii komishinka doorashooyinka qaranka uu baabuur si sharci daro ah uu qoryo ugu saaray tuulo ay deegaan u yihiin oo burco bariga kaga toosan!,
 
xukuumada siilanyo oo ku caanbaxay inay ka aarsato qof kasata oo maamulka dowalada wax ka soo qabtay oo ay wax ka tirsanayso intii ay mucaaridka ahaayeen! ayaa hada bartilmaameed ka dhigatay guuleed daahir samatar waana aargoosi siyaasadeed oo la rabao in laysaga horkeeno beelaha wada degan magaalada colaada ugu waynina waxay ka socotaa xubno kooban oo beesha uu madaxweynuhu ka soo jeedo ah oo rabta inay magaalada dagaal sokeeye ka rido mashruucana qandaraaskiisa qaatay!,
 
markii uu dagaalka sokeeye ka qarxay magaalada burco 1994 kii ayaa waxa laga keri waayay beesha bariga waar gobolku yaanu inaga burburin dagaal hore oo aan macno ku fadhiyin ayaad nageliseen dad ayaa inaga dhintay aynaan ka maaranin maamulka gobolka idinka ayaa ugu qayb badan nabad daas fiican baynu haysanaa ilmaadeerayaal inaga daaya dagaalka wiil baa ku dhinta ee wiil kuma dhashee! gudoomiyaha guurtida saleebaan gaal ayaa mashruuca dagaalka sita oo hargeysa kala yimid! waa la balamay waqti ciid ah ayaa lajoogaa salaadii ciida markii laga soo dareeray ayaa qolo walba 50 oday laga dhaariyay in nabada la wada ilaashado oo cidii colaad ku baaqdana meel looga soo wada jeesto maalintii markii sidaas lagu kala hoyday ayay maalintii sadexaad dagaalkii bilaabeen markii la waydiiyay ee la yidhi waar sowdinkii dhaartay in aad nabad qaadateen waxay ku jawaabeen dheerta dooxa ka qaata! waa loo soo taagnaa waa tii la ogaa wixii ka dhacay!,
 
tii maalintaas ay sameeyeen ayay maantana rabaan inay gobolka ka ridaan! guuleed waa marmarsiiyo kuwii maalintaas dagaalkaas sababta u ahaa qaar kamida ayaa maantana raba inay 20 guuradii dagaalkaas soo ceshaan wiilkii maalintaas dhashay maanta waa 20 jir kaas baa larabaa in maanta uu dagaal sokeeye ku dhinto! waxaan leenahay wax magaratada haldoorka gobolka udhashay ku madhinaysa sokeeyaha dhiigiisa inay u diyaar garowdo cadawga hareeraha inaga xiga ee inagu xeersan ee shalay markii puntuland doorashada gelaysay ku kaanbayn garaynayay sool iyo sanaag ayaan xoraynayaa waar kaas raga u hay aad isla dhacaysid waxa layidhi ninka sokeeyaha dagaalkiisa ku deg dega dagaalka shisheeyaha ma galo! guuleedna waxba ma galabsan xaqna wuu u leeyahay inuu xisbiguu doono taageero ee gobolka ha karidin dagaal aanad waxba ka faa,idayn aan qoomamo ahayn.
 
 
Aadan Axmed Nuur

UK