guuleed waxaanu u aragnaa in la afduubayee oo ay afduubtay budhcad

   Assallaamu calaykum waraxma tullaahi wa barakaatu

 MAQAAL

Ka dib salaantaa ka dhaxaysa ummadda muslimka ah waxaan doonayaa in aan manta bal wax yar ka idhaahdo AFDUUB KA lagula kacay GUULEED DAAHIR SAMATAR oo u afduuban lagasoo bilaabo saddexdii bishan koox ujeedo gaar ah leh oo uu GUULEED ugu afduuban yahay dano  gaar ah iyo madax furasho oo ay leeyihiin kooxdaasu

 

Hadaba sideedaba illaahay qofka ibna aadamka ah waxa uu siiyey oo uu ku manaystay karaamo iyo xorriyad u gaar ah oo uu kaga fadilay noolaha kale mana kala laha dadku xoriyadaa ee waa mid uu illaahay swt inoogu sheegay qur,aanka oo uu inooga warramayo illaahay waxa uu yidhi xaqiiqa e waxaanu karaamaynay ibna aadamka taa macneheeduna waa fadillaad illaaha swt uu ku manaystay ibna aadamka hadii uu sidaa uu rabi u fadilay ku socon lahaa dadkuna aduunkan aynu ku noolahay guudkiisa dulmi iyo xumaani toona kama dhasheen laakiin kuwii illaahay karaameeyey ayaa iyagu is karaamo tiraya oo isku xad gudbaya

 

Dabadeedna waxa ka dhalanaaya cuquubo rabi iyo cadho ku dhacda oo wada saamaysa oo dee waatan rabigeen ku leeyahay qur,aan kiisa  ka baqa fidnada aan ku koobnaan doonin kuwiina wax dulmiyey oo keliya, hadaba hadaynu usoo noqonno arrinta GUULEED DAAHIR

Guuleed horta dambiile maaha oo cidna dembi kama uu gelin dhibaatona kuma hayo cidna laakiin waxa uu u AFDUUBAN YAHAY laba arrimood

 

 1)Waa ta hore  e  waxa weeye koox doonaysa in ay ka aar goostaan oo maxay kaga aar goosanayaan hadii aynu nidhi cidba denbi kamuu gelin? waa arrin is weydiinle waxa jirtey xiligii uu GUULEED ka ahaa badhasaab ku xigeenka G/ TOGHDEER  in uu is hortaagey boob hantida dawllada iyo dhulka dadnta guud lagu doonayey in lagu sameeyo iyo weliba dagaalo beelaysnaa oo uu baajiyey xiligaana waxa ay isku dhaceen taliyihii hore ee qaybta bilays ka iyo ninka la yidhaahdo FOOXLE labadaa nin oo si sharciga baal marsan isugu deyey falal xun labadiiba manta waxa ay ku jiraad awooda sare ee dawlada 

 

halka uu GUULEED ka maqan yahay xukunka dalka manta ku amar ku taaglaynaya

2) waa qodob ka labaade magaalo madaxda g/ tog dheer waa meel caadifad qabiil ku caan baxday waana meel halbawle ah oo xumaanta iyo wanaaga kasoo baxaaba way hano qaadaan illaa hada, sidaa darted xisbiga kulmiye iyo madax diisu waxa ay arkaan dhib ku soo faale oo hortaagan ujeedooyin kooda bil metel waxa muuqata in dawlada kulmiye dib ugu sii siqayso xabaashii ay SNM kasoo saartay dalka laakiin waxa u muuqata hadii dalku nabad noqdo in aanay arintaa ku laabashada xabaal wadareedii suurto geleynin si hadaba ay ugu fududaato kulmiye dib u aasidda JSL waxay is tuseen in 

 

loo mari karo in burco dagaal sokeeye oo la mid ah kii uu saleebaan gaal ka ridey hada ka hor laga rido  amaba dadka wada degen la colaysiiyo si hadaba taas loo helo waxa uu marinkii ama furihii noqday in lasoo weeraro hal doorka iyo biri mageydada magaalada oo loo geysto AFDUUB

Sharci darro ah si dadku u kacaan oo qas iyo qalalaase dalku u galo taa bedel keedana uu

Kulmiye korodhsado mudada oo layidhaahdo dalkiibaan degeneyn si doorashada loo laalo inta taas lagu mashuul sanyahayna kulmiye u galo heshiis kii kama danbaysta ahaa ee xabaalista qaran nimada 

 

JSL  ee sadex iyo labaatan jirsatey, hadaba aan soo ururiyee  waxaaan ku soo gunaanadayaa SOMALILAND waxa u naf waayey intii badnayd madaxdii  SNM  ee qadiyadu ka dhabka ahayd waxa ku hoobtay  4/3 dadkii u dhashay dalkan waxa naafo ah in leeg sidaa darted iyadoo ay jirto in xuquuqdii iyo magicii iyo xorriyadiisiiba lagu xad gudbey GUULEED  oo sida ku cad dustuurk JSL  qodobkiisa 25 naad fiqadihiisa 1,aad

iyo 2 aad iyo 3 aad

1)oo odhanaya qofna xoriyadiisa loogama qaadi karo si aan xeerka waafaqsanayn

 2)ma banana in qofna la qabto la baadho ama la xayiro hadii uusan markaa denbi faraha kula jirin ama aanu amar qabasho oo sababaysan ku soo saarin garsoore awood u lihi

firqada 3 aad

 

dawlada ayaa muwaadiniinta u dammaanad qaadaysa xuquuqda iyo xoriyadaha hadaba kol hadii  arrimaahaas oo dhan iyo qaar kale oo badnba kulmiye ku tuntay oo jebiyey waxaanu u aqoonsanahay xadhiga GUULEED AFDUUB IYO IN LOO HAYSTO MADAX FURASHO OO     BUDHCAD DAWLADEED IYO KOOX GAAR AHI HAYSTAAN EE UMA AQOON SANIN IN UU DAWLAD U XIDHAN YAHAY DENBI UU GALAYNA WAA LA OGYAHAY IN AANU JIRIN

 

AS WR WB

Xuseen xirsi caamir

Inacaamir1960@hotmail.com

              17/01/2014

Â