guuleed xadhiga sharci darrada ah guul iyo magac baa uga kordhaaya

Akhristoow

 MAQAAL

Maalmahan ina dhaafay ama aynu ku gudo jirro waxa aynu war baahinta ka maqlaynaa ama ku aragnaa xadgudub loo geysatey muwaadin guuleed daahir samatar oo ah nin xil iyo mas,uuliyad kasoo Qabtay dalka sideedabana Qofka ibna aadam ka ahi waxa uu leeyahay xasaanad ama dhawrsanaan  u gaar ah

Hadaba waxa laga yaabaa in aad isweydiineyso waa kuma Guuleed? Muxuu ku mutaystay in meel lagaga dhaco sharaftiisa iyo xuquuqdiisa muwaadan nimo? Yaase ka danbeeye Gabood falka loo geystey muwaadankan? Maxaase ka dhalan kara  xadhiga guuleed oo falcelis ah haday tahay xaga qaraabadiisa iyo hadii ay tahay xaga asxaabtiisaba? Guuleed  ma argagixisaa maxaa UNUGGA  RRU DA ee dawladda ingiriisku u samaysatay in ay kula dagaallanto kooxaha xag jirka ah sida al qaacida iyo al shabaab loogu adeegsadey?

 

 

Waxa kale oo aad akhristoow ku aragtaa jaraa,idka iyo bogaga net ka faalooyin aad u badan iyo eedo lagu sheegayo cida ka danbaysa xadhiga masuulkaas iyo tacadigaa loo geysnayo ee aan wax sabab ah loo haynin

Waxaad arkaysaa hadalo odhanaaya waxa guuleed loo xidhay waxa uu ka danbeeyey mudahraadkii burco, waxa kale oo aad arkaysaa waxa  uu u xidhan yahay wasiirka madaxtooyada  oo fulinaaya dalab ama ashketo kaga timi gudi ay beeshiisu leedahay waa wasiirka e, waxa kale oo aad arkaysaa waxa loo xidhay lolole uu aad ugu ololeeyey xisbiga waddani  ugu danbayna waxa aad maqlaysaa  waxa uu u xidhan yahay guuleed  wasiirada iyo wasiiro ku xigeenada beesha guuleed kasoo jeedo kaga jira xukuumadda Somali land iyo dabcan madaxtooyada oo  adeegsanaysa wasiiradaas dhediga ah,

 

hadaba isku soo wada duuboo waxaa marag madoonto ah in uu jiro dagaal u dhexeeya nin aad u da,a yar oo aad u magac iyo muuqba weyn iyo dawladda kulmiye oo isku duuban oo aanay cidi u maqnayn min madaxweyne illaa wasiir ku xibeen,

Hadaba akhristoow  aynu isweydiinee waa kuma guuleed ?

Muxuu ku helay guuleed magaca intaa leeg iyo sucmadaas?

Waa maxay khatarta uu ku hayo xukuumadda kulmiye?

 

Horta guuleed waa nin ku dhashay magaalada burco waana nin aan aad u da,a weyneyn oo hadda galay afartanaadka waxa uu wax ku bartay oo ku barbaaray magaalada burco kadib sanadihii aasaaskii  SNM waxa uu ku biiray URURKII SNM  isaga oo arday ahaa oo aan dhib gaar ahi haynin tii dadkaba haysey mooyaane waxa uu tababar ku qaatay xeradii Ethiopia ku tababari jirtey mijaahidiintii SNM ee baabuli kadib markii uu mudo ka mid ahaa xoogagii hubaysnaa ee SNM waxa uu arkay siyaasadaa manta taalla SL oo dhex taala SNM gudeheeda waa  (khaarajin siyaasadeed )(iqtiyaal siyaasi )(political association )iyo maamul xumo is dhex yaac iyo qabyaalad ku baahdey ragii dagaalka ku wada jirey guuleed waxa uu goostay ka dib dilkii IHN 

 

 

mujaahid cabdilqaadir koosaar inuu qorigii dhigo oo uu u dhoofo wadanka isutaga imaraatka carabta halkaas oo uu ku noolaa mudo dheer guuleed waxa lagu tilmaami jirey xiligii uu ka tirsanaa SNM SEBIGA waayo waxa uu ahaa inan yar oo caydi ah oo qori sita sidaasuu kula baxay guuleed waa nin geesi ah oo hadal cad oo aan ka gabanin waxa uu doonayo taasna waxa kuugu filan markhaati guuleed iyadoo ay hor fadhiyaan totoba masuul oo isugu jira kuwii aynu hore usoo tilmaanay ee aynu ku magacawnay wasiirada dhedig  iyo kuwo kale oo labba oo ay madaxtooyadu soo diratay ayuu diidey in uu karaamo dhac iyo soor quudheed 

 

 

qaato,guuleed waa nin jidh ahaan aad u laf weyn oo rabigii Quwad siiyey  waxa uu miisaan kiisu u dhexeeyaa 150 ilaa200 kg guuleed waa nin deeqsi ah oo gacan furan, waa nin bulshaawi ah oo saaxiibo aad u tiro badan ku leh daafaha aduunka oo dhan waa nin dulqaad iyo kaftan badan oo aan xanaaqin guuleed waa next XAAJI WARAABE  AMA YUUSU F JAAHUUR  A MA  SULDAAN  DIIRIYE,  guuleed waa nin xikmaawi ah oo xafida heesaha iyo gabaydaba waana nin nabad jecel oo aan ahayn hanaayo talis taasna waxa u diidaysa ummada cidkasta waxa uu ku laayahay asxaab maaha nin Qabyaalladda ku dheereeya ee waa nin ka reeban cudurka  reer nimada 

 

 

 

Guuleed waxa uu ku helay magacan dheer iyo sucmadda faraa badan intii uu xilka g/ ku xigeenka ka hayey magaalada burco oo ah magaalo aan hore u mar lahayn oo qabyaaladi ragaadisey waxa uu kasbaday maskaxdii dadweynaha oo uu aad u dhex galay, 

 

 

guuleed  khatar gaar ah kuma aha kumana hayo xukuumadda kulmiye laakiin markay aragtay xukuumadu magaca iyo meeqaamka guuleed ayay sas ka qaaday waxa kale oo arrintan ku lugle ashkhaas cudur qabyaaladeed jiifo oo u badan qurbo joog  oo kusoo guryo noqday dalka waana nooca ay u badantahay xukuumadda kulmiye ee aasaaska u ah qurbo jooga buka iyo qaxoontigii sablaale

 

 

 

 

 

maxaa hadaba ka dhalan kara xadhiga iyo ku tumashada xuquuqda muwaadin guuleed daahir samatar runtii waxa keliya ee ka dhalan karaa waa burburkii xukuumadan faashilka ah oo soo degdega waayo maantaba waxa ay ku weydey xadhiga guuleed taageerayaal aad u badan oo candhuuftooda dib u liqay hadaba  sida ay doonayso xukuumadu waxa weeye in ay burco dagaal ka rido oo loo soo maro xadhiga guuleed si asxaabtiisa iyo shacabka ku xidhan guuleed ay falcelin xun u sameeyaan ka dibna ay u noqoto  talo faro ka haaday hadaba taa bedelkeedii guuleed waxa uu ku helay sucmad iyo asxaab iyo magac dheeraad ah oo usii kordhay xadhigana  waa nin xamilaaya anana waanu xamilaynaa waayo xaqsoorba xabadii ardayda lala dhacay  xamile wax aan wanaag ahayna kamay qaadin xadhiga guuleedna wax ka sii daran maalin walba waxa la toogtaa arday iyo caruur oo rasaastii lagalsoo gabaday gobollada bari iyo dalka majeerteeniya inaga haysato lala dhacaa sidaa darteed  ayaanay u hirgeleynin ujeeddada xukuumadda kulmiye ee ah xidh toogo cabudhi boob dagaal ha dhecee si aad u korodhsato cimriga taana waxaanu ognahay oo ka digtoonahay hadaanu nahay shacab ka reer togdheer

 

wa billaahi tawfiiq 

 

xuseen xirsi caamir

Email inacaamir1960@hotmail.com

Â