Hambalyo iyo Bogaadin Ku: Wasiirka Arimaha Gudaha , Mudane Cali Warancade



Hambalyo iyo bogaadin

Ku: Wasiirka Arimaha Gudaha , Mudane Cali Warancade

 

Jaaliyada Somaliland – UK  (SSUK) waxay aad iyo aad ugu faraxsantahay, hambalyo iyo bogadina ugu

diraysa Wasiirka Arrimaha Gudaha talaabadii geesinimada lahayd iyo go’aankii uu ku mamnuucay ka

hadalka qabliika iyo qabyaalada warbaahinta lala Soo fadhiisanjiray ee sida qaawan ee xishood

darada iyo madax taagu ka muuqato la isugu faanijiray,  ummadda Somalilandna loogu kala

fogaynayay, ee diinteena, sharcigeena iyo kala dambeynteenana bal marsanayd.  

Waxa cad oo aan cidna ka qarsoonayn in aduunyadii oo dhami ka gudubtay ku dhaqanka qabiilka iyo

Qabyaalada inana aynu gaadhnay marxalad aynaan indhaha ka qarsan karin haddii aynu doonaynu

Inaynu la sinaano ummadaha aduunyada ee horumarka gaadhay.

Waxaanu ka codsanaynaa shacbi weynaha Somaliland, Xukuumada, golayaasha sharci dejinta iyo

dhammaan Axsaabta qaranka Inay taageeraan arrinkan oo olole iyo dhaqdhaqaaq muujinaya

foolxumada ku dhaqanka qabiilka iyo Qaabyaaladu leeyihiin la sameeyo oo la bilaabo xoojinta

jacaylka dalka iyo isu soo dhaweynta qaybaha bulshada Somaliland.

Waxaanu leenahay qabyaaldu ha dhacdu.

 

Abdalla Salim

Gud/ Jaaliyada Somaliland UK