Hay’adda Human Rights Watch Oo Eedayn U Jeedisay Kenya

(SM-Hargaysa) Ha’yadda xuquuqul insaanka ee Human Rights Watch (HRW) ayaa ku eedeysay xukuumadda Kenya inay beegsatay Soomaalida qoxootiga ku ah dalkeeda, kaddib weerarkii Westgate Mall oo 21-kii September sannadkii hore.

Hay’adda ayaa warbixin sanadeedkeeda ku sheegtay oo soo baxay shalay ku sheegtay in xukuumadda Nairobi ay ku kacday tan iyo markii ay xilka kala wareegtay xukuumaddii ka horeysay xadgudubyo dhinaca xuquuqda aadanaha ah.

 

Xukuumadda Kenya ayaa lagu eedeeyay inay sannadkii hore culeys weyn saartay qoxootiga Soomaalida ah ee dalkeeda ku nool sida inay ku goodisay inay xirayso xeryaha ay dadkaas ku jiraan uguna baqday qoxootiga inay dib ugu laabtaan dalkoodii, kaddib markii ay qoxootiga ku eedeysay inay mas’uul la yihiin amni-darrada Kenya ka taagan.

 

 

“Bulshada Soomaaliyeed markiiba ma soo sheegin saameyn aargoosi ah oo ay kala kulmeen weerarkii lagu qaaday Westgate Mall, laakiin waxaa jiray warbixinno isugu jira xarig iyo baad ay booliska ka sameeyeen xaafadda Islii ee magaalada Nairobi bilihii November iyo Oktoobar sannadkii hore 2013,” ayaa lagu yidhi warbixinta.

 

 

“Bishii September laba xubnood oo bulshada rayidka ah una dhaqdhaqaaqa xuquuqda aadanaha oo kala ah Maina Kiai iyo Gladwell Otieno ayaa waxaa u hanjabay taageerayaasha madaxweynaha iyo madaxweyne ku xigeenkiisa dalka Kenya iyagoo ugu baaqay inay faraha kala baxaan dacwadda labadan mas’uul uga socota ICC,” ayaa warbixinta lagu yidhi.

 

 

 

Warbixintu waxay xukuumadda ku eedeeyay inay joojisay xiriirkii ay horay ula lahayd maxkamadda caalmiga ah ee ICC iyo ballanqaadkii ahaa inay la sameyn doonto iskaashi maxkamada caalamiga ee dambiyada dagaalka oo ay kiisas dacwo ah kaga furan yihiin madaxda dalkaas ugu sarreysa.

 

 

HRW ayaa dib u eegis ku sameysay xuquuqda aadanaha 90 oo caalamka ku yaalla, kuwaasoo ay ku jirto Soomaaliya, iyadoo dowladda Soomaaliya ku eedeysay inay weli dhibaatooyin dhinaca cadaaladda iyo nabadda ahi jiraan.