HOGAAN LA’AANTA XISBIGA KULMIYE & GARAB LA’AANTA LABADII GUD: KU XIGEEN.

(HOGAAN LA’AANTA XISBIGA KULMIYE & GARAB LA’AANTA LABADII GUD: KU XIGEN)

Sidaynu ogsoonahay waxaa in muda ah ka jiray xisbiga kulmiye khilaaf xoogan  kazoo dhaliyay inuu dhici waayo shirwaynihii xisbiga kulmiye.

Waxaa dhaliyay ayaaynu oran karnaa baarqabo farabadan oo iskugu yimid xisbiga kulmiye  iyo labada mujaahid oo isu dhigay inay manta xisbiiga u sareeyaan ayna  noqon doonaan musharaxiinta xisbiga ahna gudoomiyayaasha xisbiga siday  inta badan yiraahdaa madaxwaynaha nagu wareejiyay oo manta doorku waa taayadii  iyo rag kamid ah wasiirada madaxwayne axmed silanyo oo leh waxaan nahay aqoonyahay leh kartidii musharaxnimada labada mujaahidna waxaynu u daynaynaa gudoomiyayaasha xisbiga.

Hadaba madaxwayne axmed maxamed silanyo waxuu ahaa gudoomiyihii xisbiga kulmiye ahna musharaxa xisbiga kulmiye markuu ku gulaystay kursiga madaxwayana dalka waxuu ku wareejiyay xisbigii kulmiye labada mujaahid sida uu hore ugu balan qaaday hadaba maxaa dhaliyay inay wasiiradiisa fahmi wayaan inay labada mujaahid ay manta xisbaga u sareeyan yihina musharaxinta xisbiga anagoo ogsoon dadka ku soo biiray xisbiga waxay yiraahdaan war xisbigaa waxqabadka badan ayaynu taageeraynaa cudud iyo codna lagarabtaaganahay xisbigiina waxaa gacanta ku hayo labada mujaahid wasiiradiina waxay leeyihin waxqabadkayaga la eeganayaa waa inayn noqonaa kuwii badali lahaa madaxwaynaha si uu waxqabadkii halkii uga sii socdo.

Hadaba waxaa Is waydin mudan wasiirada door intee la’eg ayay ku leeyihin xisbiga kulmiye, maxaase ka dhalan kare hadii labada mujaahid ay ku adkaystaan manta inaan la hor istaagin lana taageero waa su’aal shacabka u taala?

Golaha wakiilada oo ah golaha sharci dajinta dalka waa gole soo jireen ah waxbadana qabtay oo aynu orankarno intii ay fadhiyeen golahan kursiga waxay ansixiyeen xeerar badan oo dalka iyo dadkaba anfacay

Hadaba khilaafka ka dhex dhashay xagee buu ka yimid

Hadaynu in yar iftiimino goluhu waxuu marayaa waqtigisii gabaabsiga oo waxaa u haray sanadkan aynu ku jirno goluhu waxuu leeyahay shir gudoon kazoo kala jeeda labada xisbiga ee manta awood ugu wayn leh markaynu xisbiyada ka hadlayno hadaba gudoomiyuhu golaha wakiilada waxuu yahay gudoomiyaha xisbiga wadani waxuu doonayaa inta uu gudoomiyaha golaha wakiilada yahay inuu samaysto xulufo ku xoogan golaha wakiilada iyo shacabkisa taageersan,

Labada ku xigeena waxay yihin laba xubnood oo katirsan xisbiga kulmiye ee khilaafku ragaadiyay,

Maxaa dhaliyay inuu xisbiga kulmiye oo ugu farabadan golaha wakiilada ay labadii ku xigeen awoodoodii hoos loo dhigo loona adeegsado sharci horeba golaha u yaalay lakinse lagu dhici waayay in la ansixiyo se manta la ansixiyay

Jawaabta waxaan oran karnaa xildhibaanadii xisbiga kulmiye oo waayay hogaan ay ku hagaagaan iyo gudoomiyaha xisbiga wadani oo noqday nin u furfuran golaha xildhibaanadana soo jiita.

Guntii iyo gunaanadka waxan oran laha amigo ah musharaxa madaxwaynaha mustaqbalka waa in uu madaxwayna isugu yeraa xisbiga cadeeyaana inuu yahay musharaxa xisbiga si xisbiga uu u noqdo meel loogu soo hagaago ilayn xisbiga madaxwayna wuu yaqaana darawalnimadiisa awoodna wuu u leeyahay inuu xildhibaanada xisbiga kulmiye boorka ka jafo si uusan haadka uga dhargin.

 

Dhammaantiin aad baad umahdasantihiin saxaafada madaxa banaan

Qalinkii|: Future president mohamed Osman

Email:awaadan5@gmail.com

Burao,Togdheer,Somaliland