ILIG Iyo Shirwac: Wariyayaal Lagu Abaal-mariyey Doorkooda Horumarinta Bulshada

(SM-Hargeysa) – Ururka Horumarinta Iyo Daraasaadka Somaliland ee SODRA ayaa Munaasibad balaadhan oo uu Ku Maamuusayo Shakhsiyaadkii ugu waxqabadka badnaa sanadkii tagey ee 2013, ku qabtay huteelka Ambassador ee Magaalada Hargeysa.

Qiimayn sanadeedka ururka SODRA oo doorkan saamaysay Wasiirada xukuumadda ee ugu waxqabadka badnaa, shirkadaha iyo warbaahinta dedaalka ugu jira inay gacan ka geystaan horumarinta bulshadooda, ayaa abaal-marinno lagu guddoonsiiyay Munaasibaddaasi, taasi oo ka markhaati kacaysa doorka ashkhaastaasi kaga jiraan dalka.

Abaal-marinta danta guud iyo daryeelka bulshada, ayaa waxa dadka doorkan lagu maamusay ka mid ah Agaasimaha Telefiishanka Madaxa banaan ee HCTV, Maxamed Cabdi Sheekh (Ilig) iyo Cabdixakiin Maxamuud Shirwac oo ka tirsan Wariyayaasha Somaliland uga waramaya laanta afka Soomaaliga ee idaacadda VOA.

Labadan Wariye, ayaa ka mid ahaa ashkhaasta mudan ee ururka SODRA ku xushay doorka ay ka qaataan danta guud iyo daryeelka Bulshada, sida uu Munaasibaddii lagu abaal-mariyey ka sheegay Guddoomiyaha ururka SODRA, Mr. Axmed Shaqale.

Agaasime Maxamed Ilig Iyo Cabdikaxiin Maxamuud Shirwac, oo matalaya bahda saxaafadda Somaliland, ayaa abaal-marintoodu waxay dhiirigalin u tahay bahda saxaafadda Somaliland iyo guud ahaan dhalinyarada, waxayna tusaale u yihiin horumarka dalkeenna iyo doorka dhalinyaradu kaga jiraan.

Cabdiqaadir A. Carab

Email: Horseed001@gmail.com